Kadib Dagaalo aad u xoogan oo Maalintii shalay ka qarxay Degmada Dayniile ayaa Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxaa sii kordhaya Qasaaraha Dagaalkaasi ka dhashay.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaana shalay aroor hore weerar dhinacyo badan kula jarmaaday Degmadaasi kuwa aoo Ciidamada usuurto galisay in ay si fudud ay kula wareegaan Qeybo badan oo akmid ah Degmadaasi.
Goobaha lagu Dagaalamayay ee Dayniile ayaa waxa u badnaayeen dhul hood iyo Jiingado ah iyadoona labada Dhinac ay Dagaal waji kawaji isaga hor yimaadeen yimaadeen taa oo Qasaaro aad u fara badan gaarsiisay labada Ciidan ee Dagaalamayay.
Qasaaraha ugu badan ee Dagaalkii Shalay Waxa uu soo gaaay Ciidamada AMISOM oo ku jahwareeray qaabkii ay ugu dagaalami lahaayeen dhulkaa cidla ah aysan garaneyn meel laga jiro iyo meel looga imaanayo iyaga oona waayaya Darbiyo ay gabaad ka dhigtaan
Ciidamada Al-Shabaab ayaana shalay Dagaal rogaal celis ah waxa ay duurka uga soo baxeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo kala daadsan iyaga oona halkaasi ku gaarsiiyaay qasaaro aad u fara badan kadib markii Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM looga soo baxay meelo aysan filaneyn oo hoodka ah .
Warar hoose aan helayno ayaa sidoo kale kuwarama in ay Shabaab soo xirteen Dareeska Ciidamada Dowlada sidaasna ay dhaxda uga galeen Ciidamada AMISOM halkaasna ay kudileen tiro fara badan.
Dad goob joogayaal ah aan goordhaw kula hadalany Qadka Telfoonka kuna sugan Degmada Dayniilee waxa ay inoo sheegeen in wali meelaha qaar ee Degmadaasi lagu arkayo Meedadka Ciidamada AMISOM.
Dagaalkii Dayniile ka dhacay waxaa ku dhinaty ku dhawaad 100-ruux oo u badan Dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay iyadoona dadka Shacabka Qasaaraha soo gaaray uu aad u yaraa marka loo eego qasaaraha labada dhianc kala garay
Dagaalkii shalay ayaana la tilmaamay in qasaarihii ugu badnaa ee mudooyinakn uu kasoo gaaray Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM iyadoo xusid mudan tahay in Xarakada Al-Shabaab ay shalay Duleedka Muqdisho kusoo bandhigeen Meedad fara badan oo Ciidamada AMISOM ay ku dileen Dagaaladii Shalay Dayniile ka dhacay.
subulahanews muqdisho
