Borama(Subulaha News) Mudaharaadyo is daba jooga oo xalay, ilaa saaka iska daba dhacayay, ayaa waxa ka dhashay in amaanka magaaladu faraha ka bixi gaadho oo ay ganacsiyadii bulshada qaarkood la xidho oo albaabada loo laabo.

Sida aad ilaa xalay kala socoteen Subulahanews.com waxaa jeelka loo taxaaabay siyaasiga wayn ee Mudane Maxamed Jaamac Abgaal (Sagaaro) kadib markii ay ka hadleen dilkii foosha xumaa ee Seemaal, oo lagu eedeeyey in uu yidhi hadalo colaad hurin kara.

si kastaba ha ahaatee Abaaro Labadii Duhurnimo ee maanta ayaa Siyaasi Sagaaro oo soo celiyey xoriyadiisii, inkastoona dhanka dawlada & isaguba aanay faahfaahin ka bixin sababta loo xidhay.

Subulaha News

Borama, Somaliland