Hargeisa (Subulaha News)-Qaar ka mid ah Haweenka ka soo jeeda Deegaamada Gobolka Gabiley ee ku nool Magaalada Hargeysa ayaa Xukuumadda ugu baaqay in si dhakhso ah Hay’adaha Garsoorka loo horkeeno Dadkii loo qabtay qabtay Dilkii ka dhacay Deegaanka Seemaal, isla markaana lagu soo cadeeyo kiiska loo haysto hadii kale xoriyadooda loo soo celiyo.

Haweenka oo shir Jaraa’id ku qabtay Hoteelka Emperail ee Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee lagu laayay dadkii Deegaanka Seemaal iyo Ceel-bardaale, kuwaasoo ay dareen cadho leh ku cambaareeyeen cid kasta oo ka dambeysay, isla markaana tacsi u direen Bulshada Deegaamadaasi iyo dadkii ay ka baxeen.

Sidoo kale Haweenka ka soo jeeda Gobolka Gabiley waxay Bulshada ku dhaqan Deegaamadaasi dhacdadu ka dhacday ugu baaqeen inay nabad iyo Walaaltinimo ku wada noolaadaan, iskana jiraan talaabo kasta oo fadqalalo iyo amni daro dhexdooda ka abuuri karta, iyagoo tilmaamay inay Nabadu geed la hadhsado tahay oo la’aanteedna aanay cidi noolaan Karin, sidaa darteed loo baahanyahay inay bulshooyinka Reer Awdal iyo kuwa reer Gabiley nabad iyo calool furnaan kuwada degenaadaan halkaasi.

Warda Ismaaciil Cali oo ugu horayn shirkaasi jaraa’id ka hadashay ayaa tacsi u dirtay dadkii lagu laayay deegaanka Seemaal, waxaanay tidhi “Waxaan tacsi u dirayaa dadkii lagu laayay Deegaanka seemaal, waxaana dhacday dhibaato aan hore u dhicin”

Muuna Khaliif oo iyaduna halkaasi ka hashay dareenkooda ku aadan dilalkii ka dhacay Deegaamada Ceel-bardaale“Waxaanu shacbi weynaha Reer Somalilamd u sheeegaynaa inaanu ka xunahay Dhacdadii ka dhacday deegaamada Ceel-bardaale, waxaanan Xukuumadda ugu baaqaynaa inay Cadaalada ilaaliso oo dadka layska xidh-xidhay ee ka soo jeeda Gabiley wax lagu soo cadeeyo, hadii aan waxba lagu haynina Xoriyadooda loo soo celiyo”ayay tidhi.

Farxiya Axmed Ismaaciil oo ka hashay Shirkaasi ayaa iyaduna Xukuumadda ku canaanatay Masuuliyiinta iyo shakhsiyaadka kale ee u xidh-xidhan Dilkii Saameel, kuwaasoo ay sheegtay inaan ilaa hada wax lagu soo cadeeyay jirin hase yeeshee Xabsiga lagu layskaga hayo “waxaanu halkan isugu nimi inaanu muujino sida aanu uga xunahay raga Dawladu iska haysato ee aan waxba lagu soo cadeysan, kuwaasoo inaanu soo aragno naloo diiday, markaa madaxweyne Siilaanyo waxaanu leenahay yaan lagu tacadiyin cid aan waxba geysan hadii wax lagu cadaynayana halagu soo cadeeyo hadii kalena ha la sii daayo dadka xidhan ee Masuuliyiinta, aqoonyahanka iyo Madaxdhaqameedka isugu jira”.

Hooyo Madiina Miigane ayaa iyaduna sheegtay “ anigu waxaan aaminsanahay ama laga yaabaaba inay falkaasi geysatay cid aan ka soo jeedin dadka loo aanaynayo, labada beelood ee halkaasi wada degena dhibtu way wada gaadhay oo mid kuma eeka, marka waxaan odhan lahayn arintaa saani haloo baadho” ayay tidhi.

Hooyo Xaali Aw-muuse oo iyaduna shirkaasi Jaraa’id ka hadashay ayaa shacbiweynaha labada Gobol ee Gabiley iyo Awdal u soo jeedisay inay nabadgelyo iyo walaalnimo ku wada noolaadaan, iyadoo dhinaca kalena Dawlada ka codsatay inaan layska xidh-xidhin dad aan waxba galabsan oo magac iyo karaamo bulshada ku dhex leh, lana sii daayo kuwa hada xidhan hadii aan wax dambi ah lagu haysan oo falkii dilka ahaa la xidhiidha.

 

Subulaha News

Gabiley, Somaliland