Borama (Subulahanews.com) Dugsi loogu Magac Daray Building Nation MBK International School ayaa Maanta la dhagax dhigay Xarunta Gobolka Awdal ee Borama.

Dugsigan aya waxa Maal galinaya oo dhisaya Kamaal Sh.Cumar Tukaale & Xaaskiisa Khadiija Sh.Cumar oo degan dalka Australia, Hadaba Madashan Dhagax dhiga Dugsigan Caalamiga ah ee Building Nation MBK Internation School ayaa waxa kazoo qayb galay marti sharaf kala duwan oo bulshada noocyadeeda ah, oo ay kamid ahaayeen Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Mudane Cali Xaamud jibriil, Iskuduwaha Wasarada Waxbarashada Ee Gobolka Awdal, Gudoomiye kuxigeenka Jaamacada Camuud, Culimaa’udiin, Oday dhaqameedyo iyo Dadwayne farabadan oo kale.

Madashan aya ugu horaynba waxa ka hadlay Kamaal Sh.Cumar Tukaale oo isagu ah masuulka dhisaya Dugsigan Casriga ah, oo ka warbixiyey qorshaha lagu dhisayo dugsigan, isaga oo sheegay in isaga iyo xaaskiisu go’aansaden in dugsigan ay ka dhisaan beertoodii.

Isna waxa madashaasi ka hadlay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Mudane Cali Xamud Jibriil oo u mahadnaqay Kamaal sh.Cumar & Xaaskiisa, kuna amaanay hawshan wadaninmada leh ee ay ka qabanayaan dalkooda, waxana uu ku dhiiri galiyey dhaman bulsho waynta reer awdal inay ka qayb qaataan horumarka gaar ahaan waxbarashada oo ah ta ugu mihimsan.

Waxa Madashaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo dhamaantood soo dhaweeyeen Barnaamijkan khayriga ah oo dhinac walba ka qaybqaadanaya horumarka reer awdal, waxayna dhamantood uduceeyeen Cida fulinaysa dhismahan Dugsigan caalamiga ah oo noociisa oo kale aan wali kajirin dhamaan gobolada Somaliland.

Barnaamijka oo dhamaystiran Naga Filo Dhawaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Abdikadir Hussein Khalif

Subulahanews.com

Borama, Somaliland