Marka Hore salaan-tii Islaamka dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland meel kasta oo aad joogtaan, asc.

Marka xiga hal-ku-dhag Soomaaliyeed oo qadiimi ah baa tidhaahda ,, Ma cadan baa laga heesayaa mise waa Dhagahayga?,,.

Haddaan u gundo-dego ujeedadayda aan maqaalkan u soo qoray, waxa jirta in beryahan dambe Saxaafadda Somaliland mid Elektaroonik ah iyo mid la daabaco aad loogu hadal hayo shirka ay Dawladda Boqortooyada Ingiriisku u qabanayso ama gogosha ugu fidisay 23-ka bisha febuary 2012 Kooxo fara badan oo ka socda dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, kaasoo ka dhici doona Magaalada London ee xarunta Dalka Britain.

Shirkaas ayaa lagu casuumay Jamhuuriyadda Somaliland inay ka soo qayb galaan, iyadoo si toos ah loola soo xidhiidhay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) oo aqbalay marti-qaadkaa ay xukuumadda David Cameron u fidisay isagoo weliba la kaashanaya Golaha wakiilada ee Dalka iyo hogaamiyayaasha saddexda xisbi qaran oo cod aqlabiyad ah ku raacay madaxweynaha in laga qayb galo shirkaa, iyagoo weliba ka saaray qodob ay soo saareen golaha guurtida Somaliland berigii shirkii Carta ee lagu soo dhisay dawladdii C/qaasim Salaad Xasan oo dhigayay in Shakhsigii shir noocaas ah oo Soomaaliweyn ku kulantay ka qayb gala xilna ka soo qaata xabsiga loo taxaabo iyadoo loo aqoonsanayo Khaa’inul wadan.

Haddaba ama Dhaameel ha loo lulo xildhibaanadan ogolaaday in la laalo qodobkaa muhiimka ahaa ama ansixiyay in laga qaybgalo shirkaa London, iyadoo ay cadaynayaan ilo xog-ogaal ahi in mudanayaasha la iibsaday haddana waxaan anigu aqoonsanahay in Madaxweynaha iyo siyaasadiisa ku wajahan Dibadda iyo gudahaba hore loogu ansixiyay loona ifiyey laydhka cagaaran kadib markii shicibka reer Somaliland Cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen xisbigiisa Kulmiye ee uu iminka dhabarka u sii jeediyay.

Sidda la wada ogyahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud iyo xisbigiisu way u soo bandhigeen shacabka reer S/L barnaamijkooda siyaasadeed hadday noqoto mid dhaqaale, hadday tahay arimaha gudaha, mid khaaraji iwm.

Haddaynu soo qaadano siyaasadda Arimaha dibadda ee uu Axmed Siilaanyo iyo Kulmiye ku galay Ololihii doorashada 2010 waxa ka mid ahaa oo aanu daah saarin in haddii loo doorto hogaanka dalka aanu ka waaban doonin meel kasta iyo goob walba oo Arinka Soomaaliyeed lagu hayo. waxa xusid mudan in xitaa intii aanu hanan kursiga ugu mudan dalka ee uu mucaaridka ahaa Siilaanyo iyo Xisbigiisan aradan maanta ee uu Cidladda kaga dhaqaaqay in meel kasta ama dawlad walba oo ay xukuumaddii tan ka horaysay ay booqasho ictiraaf raadis ah ku tagto waxay ka daba dirayeen waraaqo ama mararka qaarkood wafti ka socda xisbiga kulmiye ayay dhinac eryayeen, iyagoo odhanayay ha maqlina iyo waa beentood, cidna ma matalaan, waa koox maafia ah oo dadka khasbaysa iyo shacabku lama qabaan.

Haddaan tusaale u soo qaato waxa dhacday in muddo aan sidaa uga fogeyn Doorashadii Madaxnimada ee dalka ka dhacday june 2010 in Aqalka Congresska Maraykanka ugu qaabilsan Arimaha Afrika, Mr. Donald Payne uu Shir ugu qabtay Magaalada Washington ee xarunta dalka U.S.A kooxaha ka taliya Somalia isla markaana uu Dawladdii Somaliland ee xiligaa ku casuumay, balse waxa dhacday in Xukuumaddii Udub ee Daahir rayaale hogaaminayey ku gacan saydhay shirkaa mr. payne ku casuumay, iyagoo tixgelinayay rabitaanka shacabka reer Somaliland iyo go’aamadii ay soo saareen Golayaasha Qaranku ee tibaaxayay inaan laga qayb gelin miisna lala fadhiisan kooxaha bahaloobay ee ku hirdamaya Dalka Somalia, iyadoo Wakiilkii Somaliland u fadhiyay wakhtigaa USA, Dr. Sacad Sh. Cismaan Nuur, ganafka ku dhuftay martiqaadkaa si cadna ugu qeexay Donald Payne Mawqifka ay ka taagan tahay Dawladda Somaliland dhacdadaasi.

Maxaa dhacay dabadeed?. Waxa jirtay in xoghayihii markaa ugu qaabilsanaa xisbiga Kulmiye arimaha dibadda oo ahaa Wasiirka Khaarajiga ee maanta, Maxamed C/laahi Cumar oo hororsaday martiqaadkaa isagoo aad moodaysay inay hamuun-gorayo hayso isuna daruuriyay xafiiskii ninka Congress-ka ka tirsanaa ee Donald Payne, kuna yidhi anagaa diyaar u ah inaanu shir kasta oo Soomaaliyeed ka qayb galno haddii ay diiday Xukuumadda Somaliland, dabadeed sidaa ayuu ku fadhiistay Maxamed Atoor kursigii Somaliland loogu talo galay isagoo aan wasiirba noqon kuna matalay masiirkii ummadda reer S/L ee 20-ka sanno kani- adayga iyo xamilkeeda lahayd ee la loodin kari waayay.

Tan iyo maalintaa xaalku wuxuu iska ahaa waddo-halaq,waxaana laynoo arkay dad ka soo dabcay mawqifkoodii waxaana jirtay in ay ka qayb galeen shirar badan oo ka dhacay Kenya, Ethiopia iyo Uk, intii uu kulmiye qabtay taladda dalka iyo intii ka horaysayba.

Markaa waxaan leeyahay ,, hal xaaraani Nirig xalaal ah ma dhasho,, maamulkan maanta jira dadku sidaa ayay ku doorteen wax u qarsoonaana ma jirin ee halaga war dhowro oo 5 sanno ayaa la doortee yaan cunaha layskaga duubin oo weliba kuwii doortay faraqa ha sii daayaan oo yaanay ka daba quficin Madaxweynaha iyo maamulkiisa.

La soco qaybta dambe oo iftiimin doonta sababaha ku kalifay Siilaanyo inuu 360 degree is wareejiyo oo uu Soomaaliweyn hungureeyo iyo macluumaad kale oo wax badan daah furi doona

 

Axmed Maxamed (Gooraan)

balligalaxda@gmail.com