Dawladnimada waxa la yidhaa ayaa leh jid loo maro iyo jidad an loomarin, waxyaalo ceeb ku ah oo an dunida lagaga dhaqmin iyo waxyaalo u horseedi kara dawladnimo. Markaad eegto soomaalilandta maanta ee xisbiga Kulmiye ku keenay doorashooyinkii la yidhi waxay ka dhaceen dalka, ayaa cid kastaa garanaysaa in dawladnimada soomaaliland ee maantu tahay wax lala yaabo, kuna cusub dalalka dimuqraadiyadda sheegta.

 

Waxa cid kasta oo reer soomaaliland ahi ogtahay in xukuumadda ku timi xisbiga Kulmiye ay tahay xukuumaddii ugu liidatay ee abid soo marta soomaaliland, isla markaana ay tahay xukuumaddii ugu qabyaaladda badnayd, uguna ammaandarada badnayd.

 

Sidoo kale ayaa dawladda kulmiye noqotay xukuumaddii ugu beenta badnayd uguna ballanfuryada badnayd. Waxa kale oo cid kastaa ogtahay in nidaamka maanta dalka ka taliyaayi yahay nidaamkii dhexdiisa ugu khilaafka badnaa, uguna tayada xumaa.

 

Dadweynaha soomaaliland ayaa maanta ogaaday in dawladdii UDUB ee rideeni ahayd dawlad adag ,oo dalka isku haysay, isla markaana soomaalilandnnimada dhawrayey, halka xukuumadda maanta dadweynaha soomaaliland ka anfariirsanyihiin jihada ay u socoto.

 

Haddaba, markaad eegto dawladda an weliba dawladda ku sheegaynno, waxad

ogaanaysaa inay jirto kala qaybsanaan ka jirta golayaasheeda, xisbigeeda, taageerayaasheeda iyo xitaa shaqaalaheeda, waxana khilaafkaasi kaw ka ah xisbiga Kulmiye ee dawladdani ka dhalatay iyo nidaamka maanta dalka ka taliya ee uu madaxweyne ka yahay Siilaanyo.

 

Sida la ogyahay waxa madaxweynaha wakhtigani markii uu ku guuleystay doorashooyinkii dalka ka dhacay meesha ka saaray cid kastoo ka mid ahayd xisbiga ama kala soo dabbalatay go’doonkii la geliyey waagii ay ololaha siyaasdeed ku jireen, kuwii dhaqaalaha la daba taagnaa, kuwii hadalka la dabataagnaa iyo kuwii SNM-nimada u daba taagnaa.

 

Waxase ugu daran markii uu meesha ka saaray xisbigii uu kasoo baxay, kaasoo uu ka dhigay mid an ka tirsanayn xukuumadda, isla markaana an lagala tashan wax kastoo uu madaxweynuhu doonayo inuu ku tallabsado, hadii lagala tashadana waa haddii amar iyo sasabe midkood uun loola tego.

 

Xisbul xaakimka eegga ee uu madaxa ka yahay Muuse Biixi, ayaa dad badani u arkaan uun nin geed lagaga xidhay dawladda, shaqana looga dhigay xisbi ninkii lahaaba iska tuuray.

 

Waxyaalaha lagu sameeyey xisbgii dawladda keenay ayaa laga maqalayaa siyaasiyiintii usoo dhimatay ,iyo ganacsatadii sahayd u sidday tobankii sannadood ee lasoo dhaafay, kuwaasoo maanta qaarkood qolo kale noqdeen ,balse noqoqn waayey saaxibadii siilaanyo ee wakhtigii kululaa.

 

Markaad eegto sida dawladda iyo xisbgeediiba u kala tegeen ayaa laga dheehan karaa weerarada masuulyiintii xisbigaasi ugu sarraysay ku hayaan dawladda siilaanyo,iyagoo dadweynaha uga digaya in wixii lagu ololaynayey an la rumaysan.

 

Markaad eegto hadaladii kasoo baxayey guddoomiyekuxigeenka xisbiga KuLMIYE maxamed cabdulqaadir iyo rag kale oo badan waxad ogaanaysaa shakiga ku jira in xukuumadda wakhtigani dhammaysan doonto muddadeedii iyo inkale.

 

Soomaalida ayaa tidhaa labadii munaafaqnimo ku heshiisaa runta ayey ku colloobaan, waxana dhici karta in hadalada kasoao baxaya masuuliyiinta kasii qulqulaysa xukuumadda siilaanyo ay aakhirataanka keeni karto xukuumad la’aan, maamul la’aam iyo amaandarro meeshana ay kusoo hadhaan masuulyiintasi xilka loogu dhiibay qaraabokiilka, qabyaaladda seedinimada, abtinnimada iyo arrimo kaleba.

 

Mana soconayso in xidhiidhka xumaaday in xisbiga KuLMIYE iyo dawladdiisu meel kasoao wada jeestaan marka ay noqoto in xaqa laga taliyo,beentuna sideedaba meel fog ma gaadho ,sidaa darteedna waxa dadweynaha soomaaliland la gudboon iska sugaan wakhtiga ay runtu timaaddo mar kalena laga tashado in dalkan iyo dadkan kala tegey dib la iskugusoo celiyo