Hargaysa(Subulahanews)Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa hada ka soo Duulay Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaaladda Hargeysa, waxaanu u sii jeeda dalka boqortooyada Ingiriiska isagoo ku sii hakan doona dalka Kenya.

Madaxweyne Siilaanyo oo qolka Nasashada ugu waramay Warbaahinta ka hor intaanu duulin ayaa sheegay ujeedada Socdaalkiisu inay la xidhiidho shirka Ingiriiska ka dhacaya oo lagu marti qaaday.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka jawaabay Su’aalo laga weydiiyay Musuq maasuqa lagu Eedaynayo qaar ka mid ah Xukuumaddiisa waxaanu sheegay in ay jiraan Hay’addo ku shaqo leh isla markana aanay jirin waxa la sheegayo isagoo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir ku Tilmaamay nin Xildoon ah oo ka turjumayn xaqiiqada waxa uu sheegayo