Borama(Subulahanews)Guddoomiyaha Shirkadda xawaaladda Qaran express, C/Qaadir Xaashi Jimcaale, ayaa shaaca ka qaaday inay shirkadoodii ku guulaysan wayday sii wadida adeegii xawilaadda lacagaha ee ay u haysay Soomaalida.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay albaabadda u xidhantay shirkadaas oo la iibinayo ka dib markii ay soo food-saartay wax uu ku tilmaamay xaalad adag oo dhinaca dhaqaalaha ah.

 

Sidaasi waxa uu gudoomiyuhu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo lagu baahiyay shabakada shirkadaasi ku leedahay bogga Inter-net-ka waxaanu u dhignaa sidan:-

 

“Shirkadda Qaran Express waxay cadaynaysaa ka dib markii ay soo food saartay xaalad culus oo dhinaca dhaqaalaha ah, ay awoodi wayday inay sii wadida sii wadida adeegii ay bulshadda u haysay.

Sidaas awgeed, waxay go’aansatay qodobaddan hoos ku xusan:-

 

1- Inay joojisay dhammaan hawlihii xawaaladda ee ay u haysay ummadda Soomaaliyeed.

2- In lacagaha shirkadda ee ku baahsan dunidda ay ku urursato muddo kooban.

3- Inay todobaad gudihii ku soo bandhigto xisaab xidhkii shirkadda.

4- In dib u qiimayn lagu sameeyo hantidda shirkadda lana iibiyo.

5- Inay bixiso shirkaddu amaahaha iyo deymaha lagu leeyahay shirkadda.

6- In lagu war-geliyo saamileyda faa’iido iyo khasaare wixii u soo baxa laguna siiyo muddo kooban.

7- In Saamileyda loo soo bandhigo meelaha iyo dadka hantida shirkaddu ku maqan tahay.

8- In dhammaan saamileyda iyo macaamiisha shirkaddu wixii xog ah ay ka helaan Website-ka shirkadda oo ah www.qaranexpress.com.”

 

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Xigasho Somalilnad.org