1991 markii Burco lagaga dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland iyo shirkii ka danbeeyay ee ka dhacay Boorame 1993 oo ahaa shirkii dhidibada loogu taagay Somalilalnad shirkaasi waxaan oran karnaa shaqsigii ugu muhiimsanaa waxuu ahaa C/raxmaan Aw Cali Faarax oo hadii aan la helin hogaamintiisiii kartidiisii iyo dibllomaasiyadiisii ay adkaan lahayd in reer Awdal lagu qanciyo S/land .waxaan oran karnaa waa Nelson Mandeelaha Somaliland. C/Raxmaan waxaa ku weheliyay guushii shirka Boorame Guurtidii ugu tayada fiicnayd in ta taariikhda la xusuusto waxaana kamid ahaa Alaha u naxariistee SH Muuse Jaamac Goodaad , Xaaji Abuubakar Sheikh Cumar,Jaamac Muxumed(Gaboose) waxaa kaloo kamidahaa Sheikh albaladka Sh C/laahi Sh Cali Jowhar iyo Maxamuud Axmed Bare (Garaad )iyo Xaji Daahir Cilmi oo hada nool ,shirkaas oo ku dhamaaday guul laguna dhisay dawladii uu madaxwayne ka ahaa Alaha u naxariistee Cigaal ku xigeena loo doortay C/raxmaan Aw Cali waxay dawladaasi ku soo beegantay wakhtigii ugu adkaa oo wadanku wada hubaysnaa isku socodka wadankuna ay adkayd waxay ku guulaysteen inay hubka ka dhigaan maleeshooyinkii hubaysnaa oo la qaraameeeyay lana sameeyay aasaaskii ciidanka qaranka S.land, laakiin waxaa la oran karaa Dimoqradiyada Somaliland waxay hana qaaday oo ay gaadhay halkii ugu saraysay markii doorasho lagu doortay musharaxii Udub ee Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa nin kasoo jeeda magaalada Quljeed ee gobolka Awdal taasoo wax wayn ka badashay sawirkii laga qabay Somalilaland , Soomaalidii kalena ay u qaadan waayeen in nin aan u dhalan beesha dhexe madax wayne ka noqdo oo ay dad badani aamineen in Somaliland lawada leeyahay ee ayna u xidhnayn cid gaara lakiin waxay arintaasi u cuntami wayday xusbigii Kulmiye oo bilaabay abaabul iyo olole uu ku ki kicinayo beesha Isaaqa iyaga oo adeegsanaya caadifada qabiilka ee tolaay Reer Sheikh Isxaaqow kursigiina soo ceshada nimaan xaq ulahayn ayaa haystee arintaas oo keentay in uu doorashdii danbe uu ku guulaysto xisbigii Kulmiye ee uu Silaanyo hogaaminayay ku xigeena loo doortay Cabdiraxmaan Saylici inkastoo uu Kulmiye ka helay in ka yar 10% codadka dadka reer Awdal sababtuna ay ahayd iyagoo dadka reer Awdal ka cadhaysnaa sida uu Kulmiye u dhaqmayo iyo xulashada madaxwayne ku xigeenkiisa oo dadku u arkaayay inuuna lahayn wax khibrad siyaasadeed ah si kastaba ha u dhacdee xilkii madaxwayne Rayaale si xarago leh ayuu u wareejiyay isagoo ku sheegay qudbadiisii xil wareejinta in uu ku wareeejinayo Silaanyo wadankoo midaysan nabadna ah . islamarkaana ay kasii amba qaadaan halkii dawladii hore. Waxaa la filaayay in iyagoo ka faa’iidaysanaya qaladaadkii dawladii ka horaysay iyo mudaddii dheerayd ee ay mucaaridka ahaayeen waxaaana lays lahaa dawladani waxay wadanka u furaysaa waji cusub taasi may dhicin oo waxay bilaaabeen in ay kala garan waayeen madaxwayne Rayaale inuu ahaa madaxwayne qaran iyo inuu ahaa madaxwayne beeleed waxay bilaabeen inay kasiifeeyaan dawladii nin ala ninkiii Udub ahaa ee ka soo jeeday beelaha reer Awdal iyagoo aan u eegayn shaqsiyaadkan wadanku ma u baabhan yahay aqoontooda iyo khibradooda waxaa kamid ahaa shaqqsiyaadkaa ku waayaya shaqadooda kaliya madaxwayne Daahir ayaad isku qolo tihiin safiirkii u fadhiyay Somaliland dalka Ethiopia Maxamaed Sh Hasan Nuuriya oo haystay 40 sanadood oo khibrad xaga diblomaasiyada ah oo u qalmay in laga dhigo wasiirka arimaha dibada Somaliland laakiin waxay Somaliland u magacawday arimaha dibada nin aan haba yaraatee wax khibrad diblommaasiyadeed haysan oo u haysta ictiraafaka in dibadahaa lameeraysto oo kolba sawiri lays kaga qaado.waxaa kaloo ka mid ahaa ragaas shaqadooda waayay ninka haystay sirdoonka Somaliland mudane Cansharaar oo ahaa ruug cadaa uu wadanku u baahnaa waxaa dhacday inuu Silaanyo u magacaabo nin beeshiisa kasoo jeeda oo aan wax khibrada u lahayn sirdoonka .Silaanyo oo ah ardaydii ka aflaxday xukinkii Siyaad Bare oo bartay kaartooyinkii Siyaad Bare iyo Habkii looya qaanay qaybi oo xukun . Silaanyo wuxuu bilaabay inuu gacanta u galiyo beeshiisa H/jeclo ilihii dhaqaalaha ee wadanka xataa Siyaad Bare sidan uma dhaqmin waxaa la sameeyay dawlad aan ku dhisnayna cadaalad oo ay iska leeyihiin beesha dhexe iyadoo beelaha darifyada looga tagay hambadii waxayna soo tolatay beeshiisa Bariga Burco kiish wayn oo afkiisu yaalo Saylac dabadiisuna Ceel Afwayn oo la rabo in lagu buuxiyo shantaas sano oo la soo celiyo lacagtii ku baxday beeshiisa ololohii doorashada. Sidoo kale wuxuu bilaabay iska horkeenka beesha reer Awdal dawladiisiina ku soo daray oo kasoo xushay gobalki Awdal dad dhalinyaro ah oo aan wax khibrada lahayn . wuxuuna noqday Silaanyo Gorgorkii Ayaxa la Duulayay waayo waxaa lala yaabanyahay waxa uu isugu xeeray ee uu uga soo xushay gobolka Awdal dad dhalinyaro ah oo aan lahayn khibrad siyaasadeed waxaana kamid ah dadkaas wasiirka dib u dajinta C/Rasaaq Cilmi la taliyaha arimaha dumarka Amaal Xaaji Miisaan wasiir ku xigeenka waxbarashada Cali Xaamud Jibriil marka laga reebo wasiirka beeraha Geedoole oo aan lagu soo xulan aqoontiisa beeraha ee lagu soo xushay inuu qabo Xirsi Toori inaadeertii. Hadaan taariikhda Islaamka dib ugu noqono dagaalkii Badar waxaa dhacday sidii caadada ahayd in Gaaladii Makaad ay yidhaahdeen ayaa noo soo baxaya waxaa markiiba soo booday u soo baxay niman dhalinyaro ah oo Ansaartii Madiinaaad ka mid ah oo aad u qiiraysan gaaladii Makaad way diideen inay la dagaalamaan maaha inay xaqirayeen laakiin waxay u jeedeen isku ma dhigano xaga miisaanka dagaalka waxayna yidhaahdeen waxaan rabnaa inay dagaalka noosoo baxaan ragii noo dhigmay waxaana uu Nabigeenii Suubanaa NNKH usoo xulay ragii ay ka mid ahaayeen Cali Binu Abu Daalib iyo Xamse oo Nabiga adeerkii ahaa Alaha ka raali noqdee iyaguna markiiba way ka takhaluseen ragii gaalada ahaa ee u soo baxay hadaba waxaa is waydiin leh Silaanyo ma wuxuu garan waayay arintaa at garteen Gaaladii Makaad!! muxuuse talada wadanka wax uga qayb galin laayahay ruug cadaaga siyasadeed ee reer Awdal ee ay kamid yihiin C/raxmaan Aw Cali , Maxamuud Axmed Bare Garaad, Cabdi Maxamuud ( Gaagaale) Sh Cabdilaahi Sh Cali Jawhar Prof Sulaymaaan M Guuleed waayo ragaasi waa ragiii u dhigmay xaga miisaanka raga beesha dhexe ee ay kamid yihiin Sillaanyo, Saleebaan Gaal, Maxamed Xaashi iyo rag kaloo la midda, mida kale dad badani waxays is waydiinayaan habdhaqanka iyo go aan qaadashada madax waynaha maxaa kasi ah madaxwaynaha!! waxayna dad badani aamin sanyihiin in uu wadanka gacanta ugu jiro oo ku haysta af gambi aan dhiig ku daadan Xirsi Toori iyo koox wasiira ah oo ku xeeran waxayna u muuqataa xaaladii madaxwaynihii hore ee Tuuniisiya Xabiib Burqiiba iyo Saynul Caabidiin Bini Cali . Waxayaabaha aadka loola yaabanyahay waxaa kamid ah go aanka ay dawlada Somalilaland kaga qayb galayso Shirka London in uu yahay mid maqaamka Soomaliland hoos u dhigaya oo a lagaga hadlayo masiibada ka taagan koonfurta Soomaliya iyo ambaqaadka mustaqbalka dawlad Soomaaliyeed oo loo dhisayo guud ahaan dalkii Soomaaliya oo ay Somaliland’na ku jirto waxayna Somaliland la fadhiisanaysaa meel, Galmudug Ahlu Suna Wajamaaca iyo Puntiland waxaana ergo kasta shirku siiyay inay hadasho 7da daqiiqado waxaa wax lala yaabo ah banaabaxa ay samaynayaan qurba jooga S/land .Ma,ahayn in lagu banaanbaxo shirka Landon ee waxay ahayd in lagu banaan- baxo dawlada Silaanyo ee ogolaatay inay ka qayb gasho shirka oo iibsatay masiirkii umadu ku soo tabcaysay 21 sanadood waxaa xaqiiqo ah in khatarta burburka Somaliland aaanay ka imanayn Awdal State iyo Khaatumo State ee ay ka imanyso beesha dhexe oo kolba siyaasiyiintoodi ay baabiinayaan masiirka umada waxaanay dad badani is waydiinayaan . beesha dhexe ma caqligaa shaqeeya mise caadifada.
Jamac Dahir Waberi
