London(Subulahanews) Guddiga Golaha Amaanka u qaabilsan Al-qaacida waxay go’aansadeen inay ka saaraan liiska xannibaadaha ee Al-qaacida shaqsiyaad iyo shirkado Soomaliyeed : Ahmmed Ali Jumale iyo 17 shirkadood, oo u badan shirkadihii la isku dhihi jiray “Barakaat Gruoup of Companies” ayuu qaraarku caddeeyay in ay ka qaadeen xannibaadihii saarnaa.
Qaraarka oo wata lambar SC/10549 ayaa caddaynaya in xanibaadihii hantida, safarada iyo hubka kuna caddaa qaraarka lambarkiisu ahaa 1989(2011) ee lagu soo rogay magacyada shaqsiga iyo shirkadaha hoos ku qorani laga qaaday. Magacyadaas ayaa u qoran sidan:
1- Ahmed Ali Jumale,(Ahmed nur Ali Jumale)
2- Barakaat Bank of Somalia,
3- Albaraka Exchange L.L.C,
4- Barkaat Telecommunications Company
5- Barako Trading Company LLC
6- Al-Barakaat
7- Al-Barakaat Bank
8- Al-Barkaat Bank of Somalia (BSS)
9- Al-Barkaat Finance Group
10- Al-Barakaat Financial Holding Co.
11- Al-Barkaat Global Telecommunications
12- Al-Barakaat Group of Companies Somalia Limited
13- Al-Barakaat International
14- Al-Barkaat Investments
15- Barkaat Group of Companies
16- Barakaat Red-sea of Telecommunications
17- Barakaat International Companies (BICO)
18- Barakaat Telecommunications Company Limited
Qaraarka ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadka iyo shirkadaha laga saaray liiska Al-Qaacida lagu gaaray go’aan ay gaareen guddiga Golaha Amaanka u qaabilsan lasocoshada hantida, socdaalada iyo hubka ee ururka Al-Qaacida.
Iyadoo ay jirto taas ayaa misna qoraalka qaraarkaan sheegayaa in Ahmed Ali Jumale shaqsi ahaatiisu ku sii jiri doono liiska xanibaadaha ee u gaarka ah Somalia iyo Eretria kaas oo aysan sheegin xilliga iyo goorta laga saari doono isagana.
Kow iyo toban sanadood oo shirkadahaas oo miisaan wayn iyo qiimaba ku lahaa guud ahaan umadda Soomaliyeed ay xannibnaayeen isla markaana hadda ay timid in liiska xanibaadaha laga saaro ayaa waxa wali nasiib darro ah in aasaasihii shirkaddaas uu wali ku sii hore liis kale oo heer Gobol ah.
Wax garadka iyo dhamaanba dadwaynaha Soomaliyeed ayaa aad ugu faraxsan inay maqlaan dhawaaqaan lagu fasaxayo shirkaddii Barakaat iyo masuuliyiinteeda iyagoo ku rajo wayn in inta u dhimanna la dhamaystiri doono.
Xigasho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
Mob: +2526-15573321-+252-699-995088
xuurshe20@hotmail.com – Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
