Muqdisho(Subulahanews)Xaalada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay maanta si rasmi ah ula wareegeen Ciidammada Qalabka Sida oo garab ka helaya kuwa Ethiopia ayaa caawa degen waxaana dadka reer Baydhabo Janaay Caawa ay ku hooyanayaan jawi xoriyadeed maadaama laga dul qaaday Maleeshiyadii Al-Qaeda ee Seddexdii sano ee lasoo dhaafay ku amar taagleeynayey.

Ciidammada wadajirka ah ee maanta la wareegay gacan ku heynta magaalada ayaa durbaba wada howlgallo lagu xaqiijinayo Ammaanka magaalada si aanay u dhicin dhibaatooyin ay maleegaan Maleeshiyada Al-Qaeda waxaana howlgalku yahay mid guud ahaanba gudaha iyo daafaha magaalada laga sameeyey.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah mas’uuliyiinta hogaamineysa howlgalkan oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa tilmaamay inuu aad ugu farax sanyahay Seddex Sano kadib in uu gurigiisii kusoo laabto islamarkaana dadkiisa uu xoriyad kula joogo.

“Alle mahadii magaalada gacanta cadawga way ka baxday hada Ciidammada iskaashanaya ayaa ku sugan wax dhib ah kama jiro howlgalku wuusii soconayaa ilaa inta nin ka tirsan Al-Qaeda laga waayo dalka guud ahaantii firxadkoodiina waalagu daba jiraa”Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade.

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Wareysiga Xildhibaan Xaabsade Oo Baydhabo Ku Sugan

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee taageeraya ayaa durbaba bilaabay iney sii baacsadaan firxadka Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab waxaana Ciidammadu ay ku baxeen wadada ka baxda Baydhabo ee aada Diinsoor ayadoo sidoo kalena ay jiraan Ciidammo kale oo iyana wadajir usoo qabtay wadada soo aada Wanlaweyn.

Dhanka gobolka Bakool Ciidammadu waxay ku dhaqaaqeen dhanka degmada Waajid waxaana Maleeshiyada Al-Qaeda durbaba ka baxeen cabsi aawgeed meelihii ay horey u joogeen waxaana dad ku nool magaalooyinka Xudur,Rabdhuure iyo Waajib ay inoo sheegeen ineysan hada jirin Maleeshiyaad ka tirsan Al-Qaeda oo magaalooyinkaasi ku sugan.

Sidoo kale marka laga soo tago gobollada Baay iyo Bakool oo hada howlgalku xowli uga socdo waxaa iyana dhaq dhaqaaq uu ka bilowday gobollada Jubooyinka iyo Gedo taasi oo keentay in durbaba wel wel uusoo foodsaaro Maleeshiyaadka ku sugan magaalooyinka gobolladaasi ka fog kuwaasi oo iyana bilaabay iney kala dhuuntaan.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook