Borama(Subulahanews.com) waxaa Saaka Subixii saldhiga dhexe ee magaalada borama loo taxaabay Wariyaha Gaarka ah ee Shabakadan Subulahanews.com Mudane Maxamed C/raxmaan Ismaciil isaga oo kujira shaqo, Xadhigan ayaa ah mid si sharci daro ah loogu xidhay wariyahan madaxa banaan oo ilaa hada aan lacadayn sababta lagu xidhay iyaga oo askarta loo soo diray ay ugu dareen cago juglayn iyo si fool xun oo ay uga kexeeyeen gobotii uu kashaqaynayay.

Xukuumada ayaa maalinba maalinta ka dambaysa lasoo baxaysa nidaam lagu cabudhiyo saxaafada xorta ah ee madaxa banaan, iyada oo maalinba Wariye ama Saxafi jeelka u taxaabaysa, Sida laga warqabana dawladu waxay heshiis la sexeexatay urur Saxafiyiinta somaliland ee SOLJA, heshiiskaasi ayaa umuuqda md aan sii shaqayn doonin.

Si kastaba ha ahaatee ilaa hada ma jiro wax warar ah oo kasoo baxaya sababta dhabta ah ee ka dambaysa xadhiga wariyahan madaxa banaan  ee Mohamed Abdirahman Ismail, wixii kasoo kordha kala soco subulahanews.com

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook