Hadal aan sax loo odhan waa lagu saxdaa ee Wariye Maxamed dilkiisu waxa uu ku salaysanyahay Qabyaalad iyo cadaawad Gadabuursiga dhexdiisa ka jirta ninkii taa danfiraana waa isaga iyo daciif nimadiisa. Wax aan wixii sobobay laga hadala lama helo dawadiisa.
Hadaba aniga oo muda badan ka fiirsanayay arintan wariyaha loo gaystay xogo badana ururiyay  waxan jeclaystay  in aan su’aallo iyo jawaabo ku saabsan xaqiiqda iyo waxa dilka Wariyahani ku salaysanyahay idiin soo gudbiyo.
Hadaba inta aanad dawlado iyo dad kale ku cambaarayn  dilka wariye Maxamed akhriso Su’aalahan iyo jawaabahan iiga  soo baxay xogo aan ka ururiyay dad arintan siday udhacday u dhuun daloola  
S: Wariyaha Ladilay waa’ayo?
J: Wariyaha la dilay waa Jibriil Yoonis?
S:  Xagee Lagu dilay wariyaha?
J:  Wariye  Maxamed meesha lagu dilay Waa Boorama Ee Hargeysa maaha Djiboutina maaha Jigjigana maaha Xamarna maaha ee yaynaan casimadaha dadka kale ceebaynin.
S: Cidda dishay yay ahaayeen?
J: Cidda wariyaha dishay ee dawlada u matashay  yarkani waa Gadabuursi yar yare ee Isaaq iyo Ciidan uu siilaanyo udalbaday maaha,  Ciisana maaha,  Darood iyo dawladii Siyaad Barana maaha, Hawiyana  maaha, Amxaarana maaha, Duubcas iyo duul aan la garanayn  oo qaramada midoobay lagaga dacwoodana maaha , ee yaynaan reeraha deriskeena ah ceebayn. Calan iyo calaamo kalena yarka laguma sheegayn ee ciyaar Saylici  ayaa lala dulmaray
S:  Cadhada lagula dhacayna maxay tahay?
J: Cadhada lagula dhacay waa tii kolka horaba ina dhextaalay  oo ileyn majirto meel aan kaftankeenii kaga heshiinay ee JibriilYoonis isaga uunbaa dheel halaabay ee ragii dheesha la dheelayay wali sidii bay usoo dhiiranyihiin  oo taasina kolay waxa kuu cadaynaysa sida raga yarka feedha fugleeyay loo soo xulay.  Arinta la sheegay in loo haystayna waxay ahay arin aanu isaguba curin shuqulna ku lahayn balse joornaalada Hargeysa ka soo bixi daabaceen kuna salaysnaa jabhad lasheegay inay kasoo degeen xeebaha  Awdal yarkuna aanu kaba war qabin, kuwii warka qorayna Hargeysay iska joogaan dawlada Soomalilandna arinkaa wax weynba uma arag laakiin raga Awdal ka qooqa ayuunbaa mar marsiiye ka dhigtay
S: Sidee  raga yarka feedha fugleeyay loo soo xulay?
Xulifadii awalba lasoo dhoobay gobolka ayaa udhanaa oo ninka madaxa yarka hayay  markii la dilayay waa nin garab iyo awood kale iyo ina adeer  ku daaqa waana Bahabar celi
Ka lugaha hayay iyo  ka feedha fuglaynayayna  waxay ahaayeen labo ilma adeera sida la cadeeyay oo jibraacina waa Cabdilahi dheere Ilma adeeradii  (Awdal’s warlord)  laakiin Wixii labadoodaba goobta wada joojiyay  lama sheegin ee malaha qiiraa isku keentay . Jeelkuna inuu yahay xul waxa kuu cadaynaya meesha  laga waayay hal nin oo Jibriil Yoonisa oo kamida ciidanka waxa joojiyay laba nin oo jibraacina saw arin xul ah maaha..
Kan eedu fuushay ee reer Nuur ee  la  hadal hayaayina waxa uu ahaa uun daawade bilaa awooda bariiskiisana ilaa shanaya.
Waxanna waxan oo  dhan u aabo ah ninkii Awooda loo hibeeyay  ee magaca  boqorada sitay Araweelo  ee lo soo magacaabay booliska gobolka oo ah nin Bahabr Celiya waxana taa kuu cadaynaysa hortii majirin falal nuucan oo kala ah oo gobolka ka dhacay balse ujeedadani waa tii loo keenay meesha Mr Araweelo waanay bilaabantay hadaan la iska qaban.
Ciyaartana waxa layidhaa cadaawad dil waxana laga dheelaa Boorama iyo Libaaxlay inta u dhaxaysa kii garan waayana goshaa loo galiyaa.
Ugu dambayn Wariye maxamed wixii soo gaadhay wuu soo gaadhay waxase nasiib daran dhagweynta danbe ee musicga ciyarta ee ay lugoynayaan kuwo aan qadiyad lahayn balse musicga wakhti dhaafiska ah dheela caruurtoodana cadaawaha u looga markhaatigana ku fura.
Kuwaasina waa kuwa Garaw ku noolka ah garaad kooduna rubuca yahay waxay ka hadlayaan iyo waxay ku hadlayaana aan lagaranayn.
Maxamed Cabdillaahi