Hargaysa(Subulahanews)Golaha Wakiilada Somaliland ayaa labadii sanadood ee ugu danbeeyay ee ay ku jireen muddo korodhsiga markii ay ka dhamaatay muddadii shanta sano ahayd ee sharciyada loogu soo doortay, isla markaana ay ku fashilmeen inay sameeyaan xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha cusub ee Wakiilada iyo golaha guurtida ee muddada tobanka sano korodhsiimada ku fadhiyay, ayaa u muuqda gole ay ka sii Haajirayaan xildhibaanadii shacbigu soo doortay, kuwaas oo ka doorbiday xilkii sharci dajineed inay noqdaan wasiiro la magacaabo oo xilkana laga qaadi karo.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo waajibaadkoodu uu ka mid ahaa la xisaabtama xukuumada iyo masuuliyiinta hay’adaha dawlada ayaa u muuqda kuwo ku dhex milmay xukuumada, isla markaana u xuubsiibanaya xilal looga magacaabo Golaha Wasiirada.

Mudaneyaasha Golaha Wakiilada oo mudadii xilkoodu ay inta badan ku dhamaatay wax tar la’aan, isla markaana muran, khilaaf iyo Kooram la’aan daashaday ay sababay inay ansixin waayaan xeerar badan oo muhiimad weyn u leh qarankan, taas oo dad badani ay is weydiinayaan xildhibaanka waxba ku tari waayay xilkii Baarlamaan ee loo soo doortay waxa uu ka tari karo xil wasiirnimo, ninka shaqada hore loo dhiibo wax ka qabta ayaa tu kalena ku dara.

Si kastaba ha ahaatee wasiirka arrimaha gudaha Duur iyo Wasiirka cusub ee maaliyada oo labadooba laga soo magacaabay golaha wakiilada, ayaa waxa iyaguna sidoo kale la sheegayaa in jago wasiirnimo ay u sharaxan yihiin xildhibaanada ay ka mid yihiin Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, Cali Xasan Maxamed, Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo, Xamse Maxamed Gaadaweyne, Saleebaan Cali Koore, halka xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnacna uu u sharaxan yahay jagadii gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiilada ee uu baneeyay wasiirka cusub ee maaliyadu C/casiis Maxamed Samaale, kaas oo xildhibaan Nacnac uu Haatuf u xaqjiijiyay musharaxnimadiisa jagadaas.

Hase yeeshee mudane Samaale oo isagu ka mid ahaa xildhibaanadii Xisbiga Kulmiye ee laga soo doortay gobolka Hargeysa ayaa la sheegay inuu cadeeyey iska casilaada jagadii golaha wakiilada, taas oo sharciyadu ay dhigayso masuulka isagoo xil qaran haya xil kale loo magacaabo inuu waayayo distooriyan jagadiisii hore, isla markaana uu distoorku waajib kaga dhigayo inuu xilka hore iska casilo.

Dhinaca kale golaha wakiilada ayaan ilaa hada ansixinin, isla markaana aan ka doodin miisaaniyadii 2012-ka oo uu todobaadkii hore usoo gudbiyay wasiirkii maaliyadu ee xilka laga qaaday Maxamed Xaashi Cilmi, taas oo ilaa hada la garan la’yahay waxyaalaha hortaagan ansixinta miisaaniyada, hase yeeshee sida ilo wareedyadu sheegayaan isbadalka wasaarada maaliyada ayaa la filayaa inay caqabad ku noqoto meelmarinta miisaaniyada, taas oo aanay golaha wakiiladu odoroska miisaaniyada 2012-ka aanay wax su’aalo ah ka waydiinin wasiirka maaliyada ee la badalay.

Dhanka kale wasiirka cusub ee maaliyada C/casiis Samaale oo isagu hore u sheegay inuu u taagan yahay musharaxnimada jagada Madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye ayaan ilaa hada la ogayn inuu jagadaasi wasiir ee loo magacaabay kaga qancay hankiisii madaxweyne iyo in kale.

Source Haatuf.