Muqdisho(Subulahanews)Goobihii ay maanta ay la wareegeen ciidamada XDS oo ay taageerayaan kuwa Amisom ayaa deggan iyadoo ay dib u bilowdeen isu socodkii dadka iyo gaadiiidka kadib markii ay ciidamadu xaqiijiyeen amaanka deegaannadaasi.

Kadib markii aroornimadii hore ee maanta ay cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo wata gawaarida gaashaamaan ee dagaalka iyo noocyada kala duwan ee hubka isla markaana ay taageerayaan ciidamada Amisom ay la wareegeen deegaanno aad u ballaatan oo dhaca duleedka bari ee Muqdisho, ayeey ciidamadu ku guuleeysteen xaqiijinta amaanka deegaannadaasi.

Deegaannada ay ciidamadu la wareegeen waxaa ka mid ah Galgalato, Ceelcadde, Sheekh Cali C/lle, Gubadleey, Suuqii Dayax, iyadoo ay ciidamadu isku dhereriyeen Xeebta Ceelcadde, Suuqa xoolaha ilaa halka loo yaqaanno Maslax, mana jirin wax iska caabin ah oo ay ciidamadu kala kulmeen malleeshiyaadka Shabaabka Alqaacidda, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah wariyayaasha Radio Muqdisho oo deegaannadaasi booqday.

Muddo kooban kadib waxaa dib u billowday dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka iyadoo dadkii hore uga barakacay deegaannadaasina ay billaabeen in ay isla galabta dib ugu soo laabtaan guryahoodii kadib markii ay ciidamadu xasiliyeen Amaanka deegaanna ay la wareegeen.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii shabaabka looga saaray xaafadihii ugu dambeeyay oo ay Muqdisho ka joogeen, wuxuuna haatan u muuqdaa dagaalka mid la iskala baxay Muqdisho, iyadoo ciidamada Qalabka Sida oo muraalkoodu aad u sarreeyo taagero bandanna ka heysta shacabka ay haatan u geeyfanyihiin in ay kooxda Khawaarijta ku gubaan geed walba oo ay galaan, taan iyo inta ay ka saarayaan dalka oo dhan.