Muqdisho(Subulahanews)Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gado ayaa faahfaahin ka bixiyay howl gallo alshabaab ka dhan ah oo ciidaanka dowladda ay ku qabsadeen Deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolkaasi.

Col. Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada XDS ee hoggaaminaysa howlagallada ay ciidamadu ka wadaan gobolka Gedo ayaa Radio Muqdiso u sheegay in ciidamadu ay Alqaacidda kala wareegeen in ka badan Shan Tuulo oo ka mid ah Gobolka Gedo kadib dagaallo culus oo dhacay shalay iyo xalay.

Sidoo kale sarkaalku ma sheegin wax qasaare ah oo dagaalkaasi ka soo gaaray ciidamada XDS wuxuuse xusay in ay arkeen meydadka Lix ka mid ah malleeshiyaadka Shabaabka Alqaacidda kuwaas oo ku geeriyooday dagaalladaasi.

Malleeshiyaadka shabaab ayaa xiligan u muuqda kuwo sii taagdarreynaya kadib markii ay ciidamada XDS ay kala wareegeen inta badan deegaannadii ay gacanta ku hayeen.