Somali President Sheikh Sharif Shiekh Ahmed addressed world leaders this week at the United Nations, asking for international support for his war-torn country.

Muqdisho(Subulahanews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo xalay gaaray magaalada Baghdad ee dalka Iraq ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta sarre ee dalkaasi, iyadoo maanta uu madaxweynaha iyo wefdi uu hoggaaminayo ay ka qeyb gali doonaan shirka Ururka Jaamacadda Carabta ee halkaasi ka furmay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Iraq Ambassador Saciid Jaamac oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda uu kulan gaar ah la qaatay xalay markii uu soo gaaray magaalada Baghdad ee dalka Iraq, madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, waxa uu intaa raaciyay in ay ka wada hadleen xiriirka Labada dowladdood iyo in ay gacan siiyaan dowladda Soomaaliya.

Safiirka ayaa xusay in madaxweyne Shariif uu dowladda shacab Iraq uu uga mahad celiyay sida ay gacan u istaageen shacabka Soomaaliyeed xilliga ay abaarka ka dillaacday dalka, dhinaca kale madaxda Iraq ayaa sheegtay in ay sii wadayaan taageerada ay ugu talagaleen dalka walaalahooda ah ee Soomaaliya.

Kulankaasi kaddib ayaa madaxweyne Shariif loo galbiyay Qasriga loogu talagalay, sida uu Radio Muqdisho u sheegay Safiirka Soomaaliya ee dalka Iraq Ambassador Saciid Jaamac, dhinaca kale waxa uu sharraxaad ka bixiyay kulanka madaxda Jaamacadda Carabta ee maanta halkaasi ka furmaya, waxa uu tilmaamay in kulan arrimaha looga hadlayo ay Soomaaliya ugu horreyso.

Safiirka ayaa farta ku fiiqay in kulankii horre ee Ururka uu yeeshay looga hadlay arrimaha dhaqaalaha, isla markaana Soomaaliya ay door wanaagsan ka qaadatay, waxa uu intaa ku daray in ajandayaasha madaxda iyo boqorada ay ka dooddi doonaan in ay ugu weyn tahay arrinta Soomaaliya.