Roobabka gu’ga oo raagay aadna loo sugaayay ayaa galabta ka curtay magaalada borama iyo nawaaxigeeda. Dabaylo iyo kulayl badan ayaa magaalada iyo guud ahaanba deegaanka hadheeyay ka hor roobabkan Galabta Curtay.

Salaalda Jumcada manta iyo todobaadkii ugu danbeeyayba laga alla baryay dhibka ay dadka iyo duunyadaba kulayka iyo roob la’aantu ku hayso. Sidoo kale waxaa todobaadanba laga qunuudi jiray salaadaha dhexdooda iyo dabadoodba.

Roobabkan ayaa la filayaa in ay wax badan kka badalaan nolosha kadib jilaal aad u dheeraa ila markaana watay Dabaylo iyo Kulayl saa is ah.

 

 

Zayid Cazaam Al-Muxtarim.

Subulaha news

Borama