Wiil Dhallinyaro ah oo gaadhay wakhtigii uu guursan lahaa  ayuu aabihii ka waayay damicii Guurka, markaasuu Aabihii inankii u yeedhay oo uu ku yidhi Aabo waad gaadhay Wakhtigii aad guursan lahayde Aabo Guurso oo Inan kuu qalanta keen, Inankii ayaa Aabihii ku yidhi “Aabo intaanan guursan waxan rabaa inaan Sir Haween ka sal gaadho” inankii Aabihii ayaa ku yidhi Aabo lagama sal gaadho sir haweene iska guurso tii Ilaahay kuu calfo, inankii  wuu ku adkaystay arinkii.  Mudo yar  ka dibna inankii wuxuu u xadhko xidhay inuu sir haween ka sal gaadho, safar ayuu galay isaga oo raadinaya inuu ka sal gaadho sir haween.

Safarkiisuu wuxuu wataba wuxuu gaadhay magaalo aroos ka jiro, wuxuuna tegay arooskii si uu gabdhaha arooska jooga ula haasaawo si uu  sir haweena uga sal gaadho, gabdhihii ayuu uga waramay ujeedada uu arooska u yimid iyo inuu rabo inuu sir haween ka salgaadho, gabdhihii mid ka mid ayaa ku tidhi hadaad rabto inaad sir haween ka sal gaadho, ii kaalay gurigaygu waa kaas halkaa ka soo muuqdee, wakhti ayay la balantay. 

Wiilkii gurigii ayuu tegay, gabadhii ayaa uga warantay inay xaas leedahay oo ay tahayna gabadh boolisad ah. Ninkii ayay ku tidhi waxan  ku tusi sida aan sir haween looga sal gaadhin, ka dibna Kabadh guriga yaalay ayay gelisay ninkii oo ku tidhi waxa dhaca halkaas kala soco, wiilkii oo yaaban ayaa galay kabadhkii, waxyar ka dib ninkii gabadha qabay ayaa soo rawaxay, markii uu guriga soo galayba gabadhii way soo dhawaysay naxariis iyo hadalo macaan ayay ku soo dhawaysay, waxay ku tidhi Xaaji hadii aad iga naxayso I caawi, oo maxaa dhacay ayuu ku yidhi, markaasay tidhi Xaaji Taliyihii Ayaa beri naga raba inaan imtixaan galno adag oo waliba tii imtixaankaas baastana  la dalacsiiyo, waxana laga rabaa gabadh kasta oo Boolisad ahi inay figayso Askariyad oo waxa la eegayaa inay wax figayn karto ka dib dalaacaad ayay helaysaa tii si fiican wax u figaysaa, markaa Xaaji ana ma garanayo sida wax loo figeeyo, Waxa rabaa inaan adiga kugu sii barbarto, markaa waxan kaa codsanayaa Xaaji inaad dhulka jiifsato si aan kuu figeeyo, odaygii ayaa ku yidhi haday arintu intaa tahay I figee, dhulka ayuu u jiifsaday, ka dibna intay xadhiga adag soo qaadatay ayay lugaha iyo gacmaha dib iskugu xidhay oo ay ku giijisay wuu cabaaday odaygii, iga dabci  iga dabci ayuu ku waashay, umay joojin, ninkii ayay kabadhkii ka soo furtay markaasay tidhi daawo, ninkii ayaa yaabay, ka dib odaygeedii oo figaysan ayaa ku qayliyay  “Nin ayay ku haysatay guriga, Nin ayay ku haysatay guriga”  wiilkii ayay ku tidhi qaado khamiiskan iyo cumaamadan oo Masaajidkaas noo dhaw tag, soona xidho Khamiiska iyo Cumaamada, marka laguu yimaad ee lagu yidhaa kaalay oo quraanka noogu akhri ninka xanuunsanaya soo raac oo quraanka ku akhri.

 Intaas ka dib gabadhii, intay debada u baxday ayay qaylisay oo ay tidhi ninkii ayaa iga waashay ee tolkii iigu yeedha, inankii ilamadeeradii ayaa u yimid waaba ninkii oo xidhxidhan oo ku qaylinaya gabadhu nin ayay guriga ku haysatay iyo hadalo kale, markaasay tidhi maxaan idiin sheegayay bal waxa uu ku hadlayo eega, Ilamadeeradii way yaabeen, gabadhii ayay waydiiyeen, yaa kula xidhxidhay, markaasay tidhi dad wadada marayay ayaa ila qabtay oo na caawiyay, nalana xidhxidhay, Ragii ay ilmadeerka ahaayeen ayaa Masaajidka tegay si ay wadaad quraan ku akhriya ugu yeedhaan, Wiilkii oo khamiiskii iyo cumaamadii xidhan ayaa yidhi aniga ayaa idin raacaya markaasuu soo raacay, ninkii oo weli figaysan ayuu dul yimid, markuu arkay ninkii oo xidhxidhan ayuu orod cagaha  wax ka deyay, isaga oo ku qaylinaya Sir Haween lagama sal gaadho,  Sir Haween lagama sal gaadho.  “sheekadani waa mid ka mid ah sheekooyinka  ku dhex faafay Somalida ee ka hadlaysa dumarka iyo sida ay sirtoodu u fogtahay ”

Makula tahay inay dhab noqon karto sheekadani oo ay dumarku sidaas samayn karaan?

Ma maqashay qisadan  mid la mid ah oo ka dhacday dhulkeena?

Dumarku miyay u dhan yihiin shirqoolada nuucan oo kale ah?