Borama(Subulaha News) Waxaa maanta Kalafadhi dagdaga ay isugu yimaadeen xildhibaanada Dawlada Hoose ee magaalada borama hoolka shirarka ee dawlada Hoose, Kala fadhigaasi ayaa ahaa mid lagaga wada hadlayay guux badan oo baryahanba ka taagnaa dawlada hoose oo ka dhashay kadib baadhistii hanti dhawrka qaranku ku sameeyeen dawlada Hoose, baadhistasi oo lagu xidh xidhay masuuliyiin sar sare oo ka tirsanayd dawlada hoose halka Maayarka ama duqa magaaladana maalmahanba lagu daba jiray xaalkiisa.

kala fadhigan saaka oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka Degmada Borama, Mudane Muumin Gadiid ayaa waxa ka soo baxay go’aan si aqlabiyad ah xilka lagaga xayuubinayo maayarka ama duqa magaalada Borama Mudane C/raxmaan Shide Bille, Xilkaxayuubintan ayaa golaha deeganku ku micneeeyeen in ay ka dambaysay kadib markii lagu helay musuq maasuq baahsan masuulkan xilka laga xayuubiyey.

Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka ayaa ansixiyey xilka xayuubintan isaga oo sheegay inay sharci tahay in xilka laga qaado dhamaan qodobada loo adeegsadayna ay yihiin kuwo sharciga waafaqsan uuna saxeexa kaga duugay dhankiisa.

Dhanka kale Gudoomiyaha gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci ayaa isagu kasoo horjeestay xil kaqaadistan ay golaha deegaanku si buuxda isugu raaceen in maayarka Magaalada Xilka laga xayuubiyo, kuna tilmaamay mid aan sharci ahayn.

Wararkan oo dhamaystiran naga filo sida ugu dhakhso badan:

 

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook