In kasta oo aanu gabnay kaalintii aanu ku lahayn xakamaynta iyo toosinta xukuumadda haddii aanu nahay Golaha Wakiilada ee dadku soo doortay, haddana mudane iyo laba la naga waayi maayo marmar qabsada shaqadii dadku u igmaday ee ahayd sixidda, toosinta iyo dabagalka (check and balance) waaxda aanu dawladda ka wada tirsanahay ee keligeed isu taqaanna DAWLADDA. Shaqadii Golaha Wakiiladawaxa isu xilqaamay oo ay ku soo baxsatay :- madaxdhaqameedkii, culumaa’ udiinkii, abwaanadii iyo aqoonyahankii oo aanay xukuumadduna u dulqaadan dhaliishooda sidii ay ugu dulqaadan jirtay xukuumaddii Riyaale balse kaga jawaabto xadhig iyo cabudhin.

 

Maanta waxa aan qalinka u qaatay in aan dhowr qodob saxaafadda u mariyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aniga oo shaqadaydii qabsanaya, madaama aanu jirin nidaam ama hab kale oo xukuumadda iyo wakiilada dadweynuhu isu hor fadhiistaan oo ay xildhibaanadu ugu gudbiyaan xukuumadda toosinta loo igmaday.

Siyaadda arrimaha debedda ee xukuumadda Siilaanyo waxa aad mooddaa mid lagu wado tahriib iyo dhuumaalaysi oo ku dhisan isdifaac iyo hanbabar (reaction) halhaysna ka dhigatay ”waa markii u horaysay”.

Tusaale ahaan , iyada oo muddo ka badan toddobaad dadweynuhu isla dhexmarayay,hanjabaadda Faroole iyo labada xubnood ee ka tirsan maamul Goboleedka Puntland ee lagu soo daray ergada wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaanay wax war ah ka soo saarin xukuumaddu arrinkaa. Haseyeeshee, dhawaaqii Faysal Cali Waraabe ka dib ayay xukuumadda Siilaanyo ku hambabartay in la jebiyay qodobkii 6aad ee shirkii London. Qodobkaa oo odhanaya waxa wada hadlaya dawladda Somaliland iyo dawladda TFG-da ama ta ka dambaysa ee la soo sameyn doono August 2012. Xukuumaddu waa in ay cod dheer oo badheedh ah ugu sheegto bulshada caalamka oo dawlaada Ingiriisku kow ka tahay in aanay aqbalayn inay hor fadhiisato maamul goboleedka Puntland. Haddii ay sidaa yeeli weydo waxa lagu khasbi doonaa in ay horfadhiisato Cali Khaliif iyo Khaatumo oo iyana maamul goboleed ka madaxbannaan Somaliland sheeganaya laguna aasaasay magaalada Taleex iyada oo xukuumadda Siilaanyo u ogolaatay in ay beel ahaan u shiraan, haseyeeshee aan ka fekerin waxa ka soo bixi kara shirkaa.

Xukuumadda Siilaanyo waxay isku koobtay oo shan wasiir u dirtay arrintii ay markii hore ee aan la tegin shirkii London ay ku bilowday wadatashiga qaran ee sida weyn isugu soo dhaweysay dadweynaha ree Somaliland. Waxaan xukuumadda xusuusinayaa in aanay dawladdu keligeed ahayne ay jiraan Golaha Wakiilada JSL oo ay tahay in ay kaalin mug leh ku yeeshaan aayo ka talinta masiirka ummadda soo dooratay.

 

Xukuumaddu waa in ay ka shaqeysaa midnimada dadweynaha ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland ee aanay kala qoqobin. Waa in ay dhegeysataa tabashooyinka beelaha hareeraha /darafyada bari iyo Galbeed iyo kuwa beesha dhexe intaba. Xukuumaddu waa in aanay cabudhin xuriyatul-qowlka, dhegaysataana dhaliilaha loo soo jeedinayo. Xukuumaddu waa in ay joojisaa xadhiga aan loo meel deyin (arbiterary arrest) iyo xabsi ku haynta muwaadiinta ee muddo dhaafka ah(indefinite detention without trial). Xukuumaddu waa in ay ogaataa in la soo doortay ee aanay xukunka ku qabsan Afganbi ama Inqilaab ciidan/milateri.

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook