Mogadisho (Subulaha News) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa xaqiijiyey inay guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka iyo guddiga khubarada Soomaalida kusoo gabogabeeyeen qabyo-qoraalka dastuurka waqtigii loogu talo-galay ee ahayd 20-kii bishan Abriil, isagoo sheegay in dastuurkan uu waafaqsan yahay axdiga KMG ah, waqtiyeynta Roadmap-ka iyo heshiisyadii Garoowe.

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qoraalka dastuurka uu socday muddo sideed sano ah, dhowr jeerna lagu guul-dareystay, marar badanna uu dib u dhac ku yimid; ha yeeshee markaan si wanaagsan loogu guuleystay.

 

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in xubintii ugu muhiimsanayd ee qaybaha Roadmap-ka ee ahayd dastuurka lagu soo dhameystiray xilligii lagu heshiiyay. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed oo muddadii wadatashiga ku biirayay fikradahooda si hagar la’aan ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli Gaas, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka (IFCC) iyo guddiga khubarada Soomaaliyeed (CoE) oo uu sheegay inay danta guud ka hormariyeen tooda gaarka ah.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in dhameystirka qabyo-qoraalka dastuurka ay tahay tallaabo muhiim ah oo horey loo qaaday si ay ummadda Soomaaliyeed u yeeshaan dastuur, kaasoo uu sheegay inuu ku saleysan yahay shareecada Islaamka, isagoo xusay in dastuurkan uu ka dhigayo Soomaalida kuwo la mid ah dadka dastuurrada leh ee caalamka.

 

“Qabo-qoraalka dastuurka waxaa la horgeynayaa golaha ansixinta dastuurka 15-ka May 2012 si ay u ansixiyaan sida ay dhigayaan heshiisyadii Garoowe iyo Roadmap-ka. Golaha ansixinta dastuurka waxuu ka koobnaan doonaa 825-xubnood oo ka kala imaanaya dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo muddo labo toddobaad ah ka doodi doona dastuurka, kaddibna u codeyn doona dastuurka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

 

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in haddii golaha ansixinta dastuurka ay u coddeeyaan dastuurka uu noqonayo mid si KMG ah loogu dhaqmo, kaasoo ahaan doona mid KMG ah inta laga helayo fursad ay shacabku ugu codeeyaan dastuurka.

 

“Dastuurkan waa mid ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed rag, dumar, caruur iyo waayeel intaba. Haddii aan u isticmaalno si sax ah, aan xafidno, una horumarino si sax ah, waxuu noqon karaa mid awood leh oo si guud nooga xorreeya caddaadiska, xad-gudubyada xaquuqul insaanka iyo mid dhowraya dhamman sharafta shacabkeenna, wuxuu kaloo noo horseedeyaa xornimo dhameystiran, horumar dhaqaale iyo barwaaqo,” ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

 

Soo gabgabeynta qoraalka dastuurka cusub ee dalku yeelanayo ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay jiraan siyaasiyiin iyo dad kale oo kasoo horjeeda, kuwaasoo ku tilmaamaya inuusan ahayn mid si wanaagsan looga fikiray qodobbadiisa.