Abwaan Haybe Faarax Nuur oo ka mid ahaa Muwaadin Taariikha Dheer ku Leh Halgankii dib u xoraynta Dalka ayaa Maxkamad la’aan Xabsiga ugu jira maalintii 14-aad isaga oo lagu Haysto Kiis Macmal ah oo loo Cuskaday Hogaaminta Madaxwaynaha ayaad Dhaliishay.
Xadhiga Masuuliyiinta iyo Hal doorka Umadda oo ay ka mid yihiin Abwaanadu Waa Biri ma Gaydo in lagu xidho waxa aanay galabsan iyada oo aan sida sharcigu dhigayo la horgaynin wax Maxkamad ah oo Ku soo Oogta Danbiga uu galay.
Mudane Madaxwayne Dadka reer Somaliland ee ku soo gaadhsiiyay heerka aad maanta Taagantahay Codkooda kuuma ay siinin in aad Cadaalada Darro ku xidho, Cidii ku Tilmaanta Cabudhiso, Cidii Maamulkaaga Saluugta Jawaabtiisu tahay Xabsi, Waa wixii lagula dagaalamay Kalidii taliyihii Maxamed Siyaad Barre.
