London(Subulahanews)Dawladda Maraykanka, ayaa $120 Milyan oo dheeraad ah ugu deeqday dadka u baahan gargaarka deg-dega ah ee ku nool gobolka Geeska Afrika si looga hortago xaalad bini’aadannimo oo aan la isku haleyn Karin xilliga abaaruhu jiraan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xog-hayaha Warfaafinta ee Maraykanka , ayaa lagu sheegay in lacagtan loogu talagalay sidii  looga hortagi lahaa mashaakilka isa-soo-taraya ee dhanka cuntada ee dalalka  Ethiopia , Kenya iyo Soomaaliya.

Sida ay Shabakadda Ka sii Digista Abaarta (FEWSNET) ku sheegtay warbixin ay soo saartay horaanta bishan, waxaa qiyaasti caadiga ahayd hoos uga dhacaya roobabka xilligan ee Bariga Afrika, taas oo keeni karta qatar ku timaadda dammaanadda cunto ee gobolka.

FEWSNET oo warbixinteeda ku soo bandhigtay boggeeda, waxa ay sheegtay in roobabki kadi’i jiray March illaa May dalalka Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya la filayo in ay dib uga dhacaan xilligi ay billaaban jireen, islamarkaana ay noqdaan 60 boqolkiiba illaa 85 boqolkiiba qiyaasta.

Qiyaasta roobabka gobolka ayaa marki hore ahayd inta u dhaxeysa 75 boqolkiiba illaa 105 boqolkiiba, waa sida ku caddeyd saadaashi hore ee soo baxday bishi February.

Sidoo kale Gobolka Geeska Afrika ayay taabatay abaar  daran  iyo macaluul sannadkii  hore, taas oo saameysay inkabadan 13 milyan oo qof.

“Tani aad ayay uga sii daraysaa marki la garabdhigo qiimeynta saadaashi hore oo waxey saameyn aad ah ku yeelaneysaa tacabki miraha, daaqi dib u soo baxayey, iyo illihi biyaha ee markale buuxsamayey,” ayaa lagu yidhi warbixinti FEWSNET ee horaanta April.

Sida warbixintaas tilmaantay, hoos u dhaca roobka waxa ay micnaheedu tahay in tirada dadka ay taabaneyso dammaanad-darada cuntada iyo xanuunka xaaladda ay suurogal tahay in ay sare u kacdo.

Deeqdan dheeraadka ah,  ayaa waxay wadarta gargaarka uu Maraykanka siiyey Geeska Afrika ka dhigeysaa $1.1 bilyan oo dollarkiisa ah tan iyo intii uu billaawday mashaakilkan 2011.