Muqdisho(Somaliya)Madaxweynaha DKM Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo wefdiga madaxweynaha ku sii jeedo dalka Mareykanka, halkaasi oo ay uga qeyb galaan shir ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeellanayaan arrimaha Soomaaliya.
Wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ku sii jeeda dalka Mareykanka, ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda ku sugnaa muddo 48 saacaddood ah, waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi, kaasi oo ay uga wada hadleen xiriirka Labada dowladdood, Iskaashiga dhinaca ciidammada iyo arrimo kale.
Sidoo kale wefdiga madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Uganda waxa ay booqdeen xero ay ku jiraan ciidammo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo halkaasi Tababar casri ah ku qaatay, Sidoo kale waxa ay kulan la qaateen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool
Madaxweyne Shariif iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ku sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka kenya, waxaana la filayaa in madaxweyana iyo wefdigiisa ay saacaddaha soo socda ka qeyb galaan shir ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uga hadlayaan arrimaha Soomaaliya.
