Taariikhdii Gudcurka ahayd ee uu dalku galay kadib burburkii dawladdii dhexe ayaa waxay dhaawac uurkutaalo leh ku beertay dalkii iyo dadkii Somaliyeed islamarkaana liicliicisay jiritaankii, xoriyaddii, dhaqankii, diintii, sharaftii iyo dadnimaddii lagu yaqiinay Dalkeena, kadib markii dadkii soomaaliyeed ay wada noqdeen adeegayaal ama lagu adeegtayaal caalamkuna uusan dan iyo aabo kalahayn burburka iyo dhibaatada joogtada noqotay ee kajirta dalka in ay sii huriyaan dhibaatada mooyaane, hadabo soomaaliyey maxaa idinla gudboon mudo 12 sano ah oo kumeel gaar ah 10 sano qabyaalad loo dagaalamayey ayna dhamaan kamqnayn maskaxda iyo talada caalamka.
Soomaalidu waxay dhahdaa “nin walibo meesha cuncunaysa asaga ayaa garanya sida uxoqanaya” hadabo cid aan soomaalida ahayn marna xalka soomaaliya makeeni karaan ma ogaan karaan dhibaatada saxda ah ee kajirta dalka soomaaliya hadday, dadka ayagu lashaqeeya bulshada caaalamka gaar ahaan qaramada midoobay waxay eegtaan oo kali ah danahooda ee marna ma eegaan danta guud ee umadda soomaaliyeed, mana oga howsha loo igmaday waxa ay tahay ayaad isleedahay marka qaar waxaad moodaa in aysanbo soomaali ahayn war soo tii dowladi ahayd in ay kawar hasyo dhamaan muwaadiniinteeda meelkasto oo dunida kajoogaan eeg kuqaxootiyadda kudhibaataysan, kuwa xabsiyadda kujiro kuwa dhumay oo dhaqankoodii badalmay oo dawladu aysan marna kahadlayn codsiyadda kala duwan ee shacabkeeda,soomaaliyeey hadday taa dhacday maxaa xal u ah dalka, sharafta, karaamada, diinta, jiritaanka iyo dadka hadabo xalku waxuu yaalaa soomaalida dhaxdeeda sidaa daraadeed see xal lagu gaari karaa?
Waxay siyaasiintu aaminsanyihiin in xabadi wax xalinayso aduunkuna iyo dawladuba waa in uu ogaadaan wadanka soomaaliya xalkiisu inaysan ahayn xal military ee ay tahay oo kali xal laga dhex raadiyo soomaalida kaas oon xabad ahayn lana joojoojiyo danaha gaarka ah ee laga leeyahay soomaaliya ama soomaalidu kala leedahay waa hadii xal ladoonaya hadii kale waxaan kula talin lahaa in farah si toos ah ugala baxaan dalka soomaaliya dhinac kasto oo ugala jiraan siyaasada soomaaliya way kufashilmi doonaan maxaa yeelay nina dhul uusan lahayn kuraagi maayo ee waxaa karaaci doonta taariikh xumo iyo waji gabaxnimo.
Soomaalida waxaa ay fahmi la’dahay waa dastuurka dastuurku waa xeer lagala xisaabtamayo shacabka iyo xukuumadda sidaa awgeed cidii latimaada dastuur aanan qusaynin dalka soomaaliya waa in laga reebaa qodobada aanan qusayn hadana mabo ahan waqti dastuur la ansixiyo waxaana wanaagsan dadku in ay ogaadaan kafeejignaanta wax kast oo dhalin karo qilaaf iyo burbur horleh.
Gabagabadii waxaan kuboorinayaa dhamaan inta damiirka leh in ay soo celiyaan dadnimaddii iyo karaamaddii umada soomaaliyeed kana hortagaan cidkasto oo kuxad gudbaysa kana tanaasulaan maamulgobleedka ay kaga tusaale qaadanayaan wadamo ay kunoolyihiim dad kala diin, dhaqan, dhul, luuqad iyo kala kalar ah dadka soomaaliyeed waa xigto, seedi, sodog, oodwadaag iskudiin, isku luuqad, isku kalar wax aan habo yaraatee kula duwanahay maleh sidaa awgeed ha la isku tanaasulo dalk iyo dalkana wax ha loo qabto wabilaahi tawfiiq.
Xassan Bile Maxamed (Abuu Saabiriin)
awnuur130@live.com
