Cadaaladii Somaliland waa la gawracay kadibna

waa la aasay oo iilka la dhigay( allah yarxamu).

Kadib markii la soo gebogebeeyey dhegeysigii kiiskii Raashinkii la

lunsadey oo maalin kasta ay dhegeysiga maxakamada ka qayb

qaadanayeen 100 ilaa 150 qof oo ka kala socdey Salaadiin,cugaal,

abwaano,culimo,aqoonyahan,lawyero madaxbanaan,iyo dadweyne

isugu jira rag iyo dumarba ayaa waxaa cadaatay in masuuliyiinta

xaqdarada ku xidhan in aysan wax shaqo ah ku lahayn raashinkaas

la lunsaday oo ay dulmi iyo xaq daro ku xidhan yihiin masuuliyiintaasi

oo kala ah.1.Badhasaabkii G.Maroodi jeex(Mujaahid Xamarji)2.Ag.

ee dib-u-jinta(Ahmed Cilmi)3.Lataliyihii Madaxweyne ku xigeenka

(cismaan Siciid).

Waxaa dhacay hadaba:-

Taariikhdu markay ahayd 30/05/2012,waxaa shir degdega isugu yimid

Madaxtooyada,shirkaasi waxaa gudoominayey Marwada Madaxweynaha

Amina weris madaxda ka qayb qaadatay waxay kala ahaayeen:-

1. Marwada Madaxweynaha Amina Weris.

2. Madaxweyne-ku-xigeenka Saylici

3. Wasiirka Madaxtooyada Xirsi

4. Wasiirka Arrimaha Gudaha Duur

5. Taliyaha hogaanka Booliska Fooxle

6. Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ( Duraan).

shirkaasi oo ku saabsanaa kiiska raashinka ayaa Gudoomiyaha

Maxkamada Mr Duraan meeshii shirkaasi ka sheegay in aan

Saraakiishaasi xidhan wax denbi ah loo hayn,intaasi kadib

dood dheer oo la falanqeeyey waxaa lagu amray Gudoomiyaha

Maxkamada in uu saraakiishaasi xidhan uu si degdega u xukumo

iyadoo farta laga saaray warqad qoraala oo xadiga sanadaha

la xidhayo ku qoran yihiin,Gudoomiye Duraan isagoo farxsan ayuu

amarkii qaatay waana kaa maanta fuliyey.taariikhda.03.06.2012.

 

Maxaa logu sababeeyey go’aaminta xukunkan

baadilka ah:-

Madaxdii halkaasi isugu timid waxay is dhacsiiyeen ama ku doodeen

in hadii maxakamadu ku dhawaaqdo in saraakiishaasi wax denbi ah

lagu waayey uu kiiskaasi lunsiga raashinku soo gelayo Madaxtooyada

iyo Booliska,ummada reer somalilandna ay odhan doonaan

muwaadiniinta ayaa inta la musabido oo xaq daro lagu xidho hadhawna

waxba lagu waayaa,si aan taasi u dhicin ayey madaxdaasi ku shirtay

madaxtooyadu ay go’aamiyeen in saraakishaasi aan la siideyn ee la xidho.

Gebo Gebo:-

Waxaa cadaatay in aanu jirin wax garsoora oo cadaalad ihi,waxaa

cadaatay in madaxtooyadu tahay Maxkamadii dadka xukumeysey,

waxaa cadaatay in Gudoomiyaha Maxkamada Hargeysa uu noqday

( Maxamuud Geele Yusuf, Gudoomiyhii maxakamadii badbaadada

ee dalkii la odhan jirey Somalia),waxaa cadaatay in nolosha

mustaqbal ee muwaadinka ay ku jirto gacanta shaqsiyaad siday

doonaan ka yeeli kara,waxaa cadaatay in Xisbigii kulmiye ee

markuu mucaaradka ahaa ku doodi jirey cadaalad iyo sinaan ay

ahayd been salaan ah oo lagu fuulayey kursiga ugu sareeya ee Dalka,

waxaa cadaatay in maxkamadaha iyo garsoorku yihiin magac u yaal

madaxtooyadu danaheeda ku fushato,Waxaa cadaatay diktaatooriyad

cad oo dalka ka hana qaaday.

Cadaaladii Somaliland waa la gawracay kadibna

waa la aasay oo iilka la dhigay(allah yarxamu)

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook