Sida aynu wada ognahay waxa marag madoon ah in Xisbiga UDUB uu aasaasey siyaasi ruug caddaa ah, sidaasna uu xisbiga UDUB ku noqday xisbiga leh shacabka ugu ballaadhan iyo xubnaha ugu miisaanka culus dhammaan gobolada dalka S/land, waa xisbigii lagu gaadhay guusha, nabadda iyo dimuqraadiyaddaa ka jirta S/LAND, waa xisbigii uu Mudane Riyaale ku macaashay ee uu ku helay kursiga ugu mudan talada dalka.

Waxaa xusid mudan, Mudane Riyaale inuu ku dhacay cudurka inta badan ku habsada madaxda dunida saddexaad ee “KALITALISNIMO” taasina waa ta keentay in Xisbigii UDUB Lumiyo taladii dalka S/land guushana uu ku helo Xisbigii KULMIYE.

Maalintii uu ka degay kursiga, Riyaale wuxu dalka uga baxay debedda, xisbigii UDUB talo kagama tagin, markii lagama maarmaan ay noqotay in xisbigii talo isugu yimaadna wuxu ka cudurdaartay inaanu iman Karin ee ay wataan hawshooda.

Caalamka majirto gole 100% vote isu raaco, dhamaadkii shirka UDUBna waxa ka soo baxay go’aan uu wax ka ogaa laakiin aan qancinin.

Mudane Riyaale isaga oo ku foodsaaranaya in lakalajabay oo laqaybsamay, wuxu yidhi waxan u imanayaa inaan xisbigii isu keeno, mana ay suurto galin in uu isu keeno; waxaan iyana meesha ka maqnayn cudurkii KALITALIS Nimada taasoo uu aaminsan yahay in uu isagu yahay qofka ugu haboon ee UDUB dib u dooran karto ama XISBIGA Siduu doono ugu talin kara.

Riyaale waxan leeyahay, waqtigaagii wuu dhammaaday, sidii aad u lumisey kurgii talada dalka ayaad u lumisay shacabkii UDUB kalsoonidoodii, inaad been isu sheegto oo ku noolaato riyadii DICTATORS kana maaha; iska dhaaf cidkaloo shacabka aad ka soo jeeddo ee reer AWDAL ayaanad maanta ka haysan kalsooni, waayo waxaan EED iyo DHIB ahayn kamay dhaxlin maamulkaagii.

Waxaan karaaligalinayaa shacabka UDUB meelkasta oo ay joogaan taloxumada RIYAALE, waxaan leeyahay, shacabka AWDAL waa dadka TALADOODA ay S/LAND ku dhisan tahay, waa taageerayaasha ugu ballaadhan ee Xisbiga UDUB, waxaad ogaataan in aannu diyaar u nahay Badbaadada Xisbiga UDUB, RIYAALANA waxaanu leenahay DUCO QAADO oo iska AMBABAX xisbigu ha badbaadee – haddii kale waxaanu talo lawadaagi bahwaynta.

Allaa Mahadleh

Cabdirashid Xasan Mataan – ENTEBBE

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook