Shir Balaaran oo Ka Dhacay Galbeedka Magaalada London Ayaa Waxaa Isugu Yimid Dad aad U Tiro Badan Kuwaa Soo Isugu Jiray Xubnaha Gudida Awdal State iyo Madax Ka Mida Golaha Wasiiradda Maamulka Awdal State Kuwaasi oo Kala Aha Wasiirka Arimaha Gudaha Awdal State Mudane Cali Faarax Cabdulahi iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Dr Maxamed Cabdulahi Riiraash.

Shirkan Jaraa’id Ayaa Waxaa Lagu Qabtay Guriga uu Magaaladda London Ka Dagan Yahay W/Arimaha Gudaha ee Maamulka Awdal State

Waxaa uuna Ahaa Shirkan Xog Waraysi uu Wasiirku Kaga Waramayay Socdaalkii Shaqo ee uu Dhawaan Ku Tagay Qaaradda Africa Isagoo Siimaray Wadanka Kenya Ka Dibna uu Uga Gudbay Dalka Soomaaliya Ilaa Xaruntiisa Mugadishu,

Wasiirka Mudane Ali Faarax Ayaa Halkaa Waxaa Lagu Weydiiyay Su’aalo Isugu Jiro Kuwo Guud iyo Kuwa u Gaadha Maamulka Awdal State

Waxaa uu Dhamaan Su’aalihii uga Wada Jawaabay Si ay Kalsooni Ku Dheehan Tahay Waxayna Ahaayeen Jawaabo Waafi ah ayna u Wada Bogeen Shacabkii Madasha Joogay. Sida Qaalibka Madaxda Maamulka Awdal State ayaa ah Kuwa Run iyo Dhab Ka hadal ah Markay Timaado Xaaladaha Ka Taagan Dhulka Soomaaliyeed Qaasatan Dhulweynaha Awdal State

Madaxdii Ka Soo Qayb Gashay Kulanka Waxaa Ka Mid ahaa-

Mudane Dr: Ali Farah Abdulahi Wasiirka Arimaha Gudaha A-State

Mudane Prof: Maxamed Abdulahi Riiraash Wasiirka Qorshaynta Qaranka

Mudane Prof: Muuse Cawaale G/Xigeenka Awdal State Uk

Mudane Dr Abdi Ibrahim Jabril Gudidda Awdal State Uk

 

 

 

 

 

W: D: Suxufi Abroone

Afhayeenka Awdal State

United Kingdom

Allaa Mahada Leh