Muqdisho(Subulahanews)Taliska Ciidamada Nabad ilaalinta midowga Africa ayaa Shaaca ka qaaday in ay ciidamada booliska Soomaaliyeed ka taageerayaan ka hortaga gabood falyada lagula kaco dadka rayidka ah iyagoo sheegay in saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ay tababar arintaasi ku saabsan siinayaan.
Kulan balaaran oo maanta lagu qabtay taliska ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee Xalane ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Maye Taliye ku xigeenka ciidamada nabad Ilaalinta midowga Africa iyo saraakiil kale oo ka kala socotay labada dhinac.
Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa qorshe AMISOM ay tababarro ku siineyso Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaana kuwo loo tabarayo ka hor taga Gabood falyada ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta.
Taliye ku xigeenka Ciidamada Nabad ilaalinta Booliska midowga africa oo madasha Hadal ka jeediyay ay ku nuux nuuxsaday tacadiyada ay la kulmayaan haweenka iyo caruurta Soomaaliyeed taas oo keentay in la helo booliis u tababaran ka Hortagista dambiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeya Guuto Shariif Sheekhunaa Maye oo isna ka hadlay munaasibada ayaa sheegay in tabarkan waqti hore loo Baahnay Soomaaliyana ay ka dhacaan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul Insaanka isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in siminaarkan ay ka soo baxdo Natiijo wax ku ool ah.
Tababarkan ayaa magaalada Nairobi ka furmi doono 12-ka bishan iyadoo uu Socon doono muddo afar maalmood ah waxaana saraakiisha ka faa’iideysaneysa ay yihiin dhamaantoot haween.










