Hargaysa(Subulahanews)Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu Hoggaaminayay ee socdaalka shaqo ku joogay Itoobiya maalmihii la soo dhaafay, ayaa caawa u kicimi doona dalka Sweden oo uu marti-qaad ka helay.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu sheegay inuu soo gabo-gabeeyay socdaalkii uu ku joogay dalka Itoobiya isla markaana uu caawa 12: habeenimo ka dhoofi doono madaarka Addis-ababa isagoo socdaal ku tagaya dalka Sweden oo uu socdaal shaqo ku tagayo ka dib markii uu marti-qaad ka helay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay in socdaalkiisa dalka Sweden uu qaadan doono muddo todoba maalmood ah isla markaana uu kulamo xog waran ah la yeelan doono jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi.

Md. C/Raxmaan Saylici waxa kale oo uu intaasi ku daray inuu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta dawladda Sweden oo uu kala hadli doono sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga iyo mucaawimadda uu dalkaasi siiyo Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu maanta magaaladda Addis-ababa kulan kula yeeshay Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay dalka Itoobiya, waxaanay kulankaasi masuuliyiinta safaaradda iyo weftiga Madaxweyne Ku xigeenku iska xog waraysteen xaaladda Somaliland iyo sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga labadda dal.

Waxa kale oo kulankaasi lagu falanqeeyay u diyaar-garowga Somaliland ugu jirto doorashadda Goleyaasha deegaanka ee lagu waddo inay dalka ka qabsoonto dabayaaqadda sanadkan. Taasi oo ay ka qeyb gali doonaan lixdii urur-siyaasadeed ee cusubaa iyo sadexdii xisbi qaran ee hore u jiray oo kala ahaa KULMIYE, UDUB iyo UCID.

Weftiga Madaxweyne Ku xigeenka waxa kale oo xubno ka ah Wasiir Ku xigeenka Hawlaha Guud Md. Cali Cabdi Saa’iq, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timacad) iyo Maayar Ku xigeenka Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh.

Weftigu waxay hore u soo mareen dalka Jabuuti oo ay muddo shan maalmood ah ku sugnaayeen isla markaana ay kulamo kula yeesheen Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, Raysal-wasaare Dalayta Maxamed Dalayta iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Jabuuti.

Source:Somaliland.org

Cumar Maxamed Faarax

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook