Hargeysa(subulahanews)Wasiir ku-xigeenka Dawladda TFG-da Somaliya C/raxmaan Kulmiye Xirsi( C/raxmaan Dheere) oo saarnaa diyaarad ku socotay Muqdisho oo ku hakatay Garoonka Berbera ayaa si sharci daro ah uga soo dagay Diyaaradii isagoo Luxaya Calanka Somaliya ee Shanta Gees leh ee Buluuga ah.Ciidamadda Booliiska madaarka Berbera ayaa isla markiiba intaanu hore u soo socon wasiirkaas iyo Calamkiisiiba ku celiyay Diyaaradiiuu ka soo dagay, waxaanu ka dagay garoonka Muqdisho, isagoo saxaafadda uga kaga cawday in gef lagu sameeyay oo aanu wax danbi ah samayn.

Madaxda Dawladda ku-meel gaadhka ah ayaa caado ka dhigtay marka ay madaarada somalilan ku meel gaadhka ku yihiin inay soo farogaliyaan arrimaha Somaliland, iyadoo dhacdadii ugu danbaysay uu sawir is yidhi iskaga qaad madaarka laakiin markiiba ay Booliisku ka hortageen oo ay ku celiyeen Diyaaradii uu saarna.

 

Todobaad ka hor waxa iyana ka dhacday in Cali Daacuun oo ka mid ah Mukhalasiinta Dawladda Somaliya uu sidan oo kale isagoo transit ah uu uga soo dagay diyaaradii uu la socday, kadibna ay diiday diyaaradii inay qaado, waxaanay Ciidamadda Booliisku muddo sadex maalmood ah ku hayeen Huteel, markii danbena waxay saareen Diyaarad kale.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamud Cali Hayste Ramaax oo aanu wax ka weydiinay dhacdadan ayaa sheegay inuu Goob joog ahaa isagoo ka jawaabayana waxa uu yidhi “Madaarka Berbera caalami buu noqday oo diyaarado badan baa soo mara oo dad ku dajiya dad kalena ka qaada, wax dhibaato ah oo loogu geystaa ma jirto laakiin waxa dhacda qaar sharciga ay ku soo dagayaan madaarka aan garanayn oo mudada ay diyaarada kale fuulayaan inay waxay doonaan sameeyaan iska jeclaysta” ayuu yidhi

Isagoo ka waramaya qaabkii ay u dhacday Wasiir Dawladda Somaliya ka tirsani inuu ka soo dago isagoo Calan sita waxa uu yidhi “ Wasiiro badan bay ahaayeen oo xaga Turkiga ka yimi markaa kuwa kale si akhlaaq leh ayay u socdeen ee ninkan sheeganaya waa la I jiid jiiday oo Kamarad baa la iga qaaday isagoo ku xad gudbay sharciga oo inta uu sidii ay dalkiisii tahay soo qaatay Calan dad badan oo Reer Somaliland ahi ka xanaaqaan Kamarad damcay inuu isku sawiro. Markaa wax dhibaato ah oo loo gaystay ma jirtee Booliisku jooji oo diyaaradaada Fuul bay ku yidhaahdeen ana goob jog baan ka ahaa” ayuu yidhi

 

Dhinaca kalena warar aan la hubin oo isa soo taraya ayaa sheegaya wefti ka socda Dawladda TFG-du in ay doonayaan inay Somaliland u yimaadaan sii ambaqaadka wadahadaladii ay Beesha Caalamku ugu baaqday Somaliya iyo Somaliland.

 

Warkan oo labadii maalmood ee u danbeeyay meelo badan laga hadal hayay waxa uu ka soo baxay dhinaca Madaxtooyadda Somaliya, balse ilaa hada ma jiro war faahfaahsan oo laga hayo arrintaasi

 

Dad kala duwan oo ka faalooda siyaasadda arrimaha Dibeda iyo wadahadalada Beesha Caalamku wado ayaa sheegaya haddii ay wefftigaasi sidaas ku yimaadaan Somaliland iyada oo aanay Beesha Caalamku dhex joogin inuu majarahabaabayo dedaalkii beesha Caalamku iyo rajadii ay Somaliland ka qaadatay Shirkii Ingiriiska sidaas daraadeed waxay ku taliyeen in laga hortago haddii ay TFG-du sidaas isku daydo.