Waaxaan rabaa inaan waxyar kabildhaamiyo duqa magaalada borama cabdiraman shide bile oo aan waxqabadkiisa marnaba aan idhaha laga qabsan karin kaasoo wakhtigii uu joogay magaalada ku soo kordhiyay wax yaabo aan horay looga baran oo bilicda magalaada aad uwanaajisay ,oo ah laamiyada aanaan horay ubaran, ee how raga nimo iyo calool adeeyga ugu badheedhay iyadoo waxkaalmo ah oo how meelkale kahelay hayna jirin haba yaraatee ,taasina how kunogday ninkii koobaad ee borama uhorseeday laamay ,taasoo dadwaynihii maanta hay uborotamayaan kaqayb qaadashada bilicdaa how horseedka ka yahay bile ,ee macalimiintii schooladu jiilkii soo kacaayay ku barbaarinayaan ee hay lee yihiin maataqaanaa duqii ugu horeeyay ee borama laamay dhigay oo hay noqotay halxidhaale taarikh ah, markaa waxaa igu dhalatay maanso aan ku cabiraayo dareenkayga iyo ka bulshada maalmihii golaha degaan lasiyaasadeeyay ee larabay in bulshada la khalkhaiyo
waa maanso
1. Billow adigaa laamayo bilicsan udaashay borama
2. Baabuur basar usocotiyo basas suuqa mushaaxa
3. Malahayn boorama adiga hortaa bilic laraaco
4. Diiwaankaa taarikhada billo adigaa ku suntan
5. Adigaa bulshada baxnaaniyay baahideedii
6. Balaankaad qaadayna kasoobaxay billoow
7. Bulshaduna waa ogtahay wax qabadkaaqa
8. Barbarkaagay tagantahay oy ku bogadadinaysa
9. Biidhi qaate inaanad ahayn bahdu waa ogtahay
10. Geelaan baarqab lagu darin sow basan baasmaha
11. Umadii aan halyaay lahaani sow basan baasmaha
12. Waagii baryaaba waxaa uu wadaa waayo cusub
13. Cadceedii soo baxdaaba arladay bildhaamisaa
14. Wadaniguna waxa uu bildhaamiya geedi socodkiyo
15. Nolosha bulshada iyo baahiyaheega gaarka ah
16. Hamigiisaa dheero bulshaduu uhagar baxaa
17. How raartiisa tosan bay dadweynuhu ubogan
18. Xilkana ninba maalin buu maarti uyahaay
19. Ninkaan taagaranayn sow balan laawe maaha
20. Balan laawena waa sirmaqabe sahay raba
21. Waxba hadalku yuu ilasii durkina bahdu
22. Waywada bilantahee billow allow baydkaga
23. Kayeel Barwaaqiyo rays balaayadu dayran
24. Allow raadgoo samaadiyo Burjigaagu raagaa
