Asc Dhamaan marka hore waxaan Salaamayaa Shabakadda Caalamiga ah Ee Subulaha mar labaad waxaan salaamayaa Bulshada ku abtirsata Gobolka Awdal iyo Salal Qalinkayga waxaan maanta u qaatay inaan wax ka idhaahdo baahida Garoon La’aanta ah ee ka jirta Gobolka Awdal Runtii Bulshada Xariirta ah Ee Reer Awdal ma waxay dhisan kari Laayihiin Garoonkii Kubadda cagta Ee Dhalinyaradda Gobolku ku soo bandhigi lahaayeen mihnadooda ciyaareed.

Laga Soo Bilaabo 1991 Ilaa 2012 waxaa Bulshada Xariirta ah Ee Reer Awdal ka baxday Hamigii, kalsoonidii iyo waliba Kartidii ay ku dhisan lahaayeen Garoon Kubadeed oo la Jaan Qaada Garoonadda ka dhisan Caalamka iyo Somaliland Sida, Hargeisa, Burco iyo Berbera dhanka kale waxaa is weydiin leh Bulshada reer Awdal ma waxay Dhisan kari waayeen Garoon kubadeed Oo dhalinta yaryar Ee Gobolku ku Ciyaaraan sidoo kale dhalinyarta leh Xirfada kubadeed ay ku soo bandhigaan hamigooga kubadeed Runtii Bulshada reer awdal mudadaas laga Joogo 21 Sano Ee Maamulka Somaliland ka arimiyo waxay Qabsadeen waxyaabo badan oo la taaban karo waanan ugu hanbalyaynayaa waxqabadkaasi ha ugu horeeyaan adeegyadda Bulshada (Public Service), sida Dhakhtarada, Jaamacadaha iyo Wadoonyinka.

Hadaba waxaynu ognahay in Hawshaas baaxada leh kharash badana ku baxayo marka xaqiiqda laga hadlo ay tahay shaqadii ay qaban lahayd Dawladda hoose ee Magaaladda Borama oo la kaashanaysa (Dawlada Dhexe), hadaba waxaa is weydiin leh ma Dawladda hoose ayayna dhab ka ahayn Dhisitaanka Garoon Caalami ah oo Magaaladu yeelato, laguna ciyaaro sidoo kalana lagu marti galiyo Ciyaaraha Goboladda Somaliland? Mise waxay Dawladda Hoose taageero ka weyday Bulshada ku dhaqan Gobolka, runtii waa su’aal u baahan in la is weydiiyo.

Waxaan xasuustaa wakhtigii lagu jiray Koobkii Goboladda Jamhuuriyadda Somaliland , Ee ka Qabsoomay Gobolka Togdheer magaalo madaxdiisa Burco ka dib ciyaar dhax martay Xulalka Goboladda Awdal iyo Hawd ciyaartaas oo ka tirsanayd Koobka Kubadda cagta Ee Gobolada waxaana furitaankii ciyaartaas ka hadlay Maayarka Magaaladda Borama Cabdiraxman Shide Bile oo balan qaaday in Sanadka danbe Gobolka awdal uu marti galin doono Koobka Goboladda Jamhuuriyadda Somaliland, Maadamaa ay sanadkan Burco marti galisay hadaba waxaa Is weydiin leh balanqaadkii uu maayarku wakhtigaas balan qaaday xaguu ku danbeeyey?. Iyada oo ay soo dhawdahay wakhtigii uu Qabsoomi lahaa Koobka Goboladda JSL.

Ugu danbeyn waxaan ugu baaqayaa Bulshada Xariirta ah Ee Reer Awdal inay meel uga soo wada jeestaan sidii loo hirgalin lahaa Garoon caalami ah si la mid ah siday wax qabadyada kale ee Gobolka Bulshadu meel uga soo wada jeedsato. Waxaanan hubaa hadii taasi ay midho dhal noqoto in laga bixi karo baahida garoon kubadeed.

ALLAA MAHAD LEH

 

By: Abdisalam Hassan Ahmed

Uganda, Kampala

Email: Mataan446@hotmail.com

Gmail: abdisalammatan22@gmail.com

Tel: 00256793236352 (Mobile)

 

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook