Hargeysa (Subulahanews)-Xisbiga dimuqraadiyadda Umadda Bahowday ee UDUB oo khilaaf xoog lihi ku kala dhex jiro tan iyo wakhtigii Musharaxa Madaxwaynenimo ee u ordi doorashada dambe loo caleemo saaray Jamaal Cali Xuseen, ayaa la sheegay in khilaafkaasi sii laba kacleeyay markii dhawaan Guddoomiye Daahir Rayaale Kaahin laalay Musharaxnimadii Jamaal.
Khilaafka xisbigan oo gaadhay in Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka UDUB maxkamada sare khilaafkooda ka garnaqdo ayaa go’aankii maxkamadaasi ka dib, waxa soo baxaya ifafaalooyin hordhac u ah in garabka Axmed Yuusuf Yaasiin faraha ka qaadayo xisbiga UDUB oo uu u digo-roganayo meel kale oo aan ilaa hadda dibada u soo bixin.
Wararka la helay ayaa sheegaya in garabka uu hogaamiyo Axmed Yuusuf Yaasiin ay Komiishanka doorashooyinka iyo Guddida diiwaangalinta ururada siyaasada u gudbiyeen codsi ah in garabka Daahir Rayaale Kaahin looga qaado kharashaadkii kaga baxay olole iyo abaabul xisbiga Dib loogu hagaajinayey oo ay ku tageen gobolada bariga dalka iyo waliba shirarkii golaha dhexe iyo kii guddida fulinta ee Jamaal Cali Xuseen lagu calaamo saaray, codsigaasi oo aan la ogeyn jawaabta labada guddi ka bixiyeen.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in garabka Axmed Yuusuf Yaasiin, ay todobaadadii u dambeeyay ka doodayeen in xisbiga UDUB looga taggo Guddoomiye Daahir Rayaale iyo xulafadiisa iyo in kale, inkasta oo xubno ka mid garabka Yaasiin oo aanu xidhiidh la samaynay dafireen jiritaanka codsiga ay u gudbiyeen komishanka doorashooyinka iyo guddida diiwaangalinta.
Jamaal Cali Xuseen oo todobaadkan dalka dib ugu soo laabtay ayaa bidhaamiyey in isaga iyo xulafadiisa uu ka midka yahay Mr Yaasiin ay ka arinsanayaan inay ka sii mid ahaadaan UDUB iyo in kale “Marka aan dadka figradahooda ogaado ee go’aamadii miiska noo saarnaa ee aannu qaadan karaynay ama UDUB ha noqoto ama meel kale ha noqotee inaannu markaa kaga dhawaajinno ayuun bay noqon doontaa haddii Illaahay yidhaahdo”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo muujinaya sida uu uga rajo dhigay xisbiga UDUB, waxaanu intaa ku daray “imika waa in arrinka la soo af-jaro oo dhinac-uun isugu-biyo shubano”
Dhanka kale, afhayeenka xisbiga UDUB oo aan isagu labada garab midna aan lagu tirin, ayaa dhawaan ku taliyey in Daahir Rayaale Kaahin UDUB faraha looga qaado haddii khilaafka loo maaro waayo “Haddii loo maaro waayo UDUB anigu waxaan qabaa in Daahir Rayaale faraha looga qaado, waayo go’aan maxkamadeed is-jiid-jiidasho malaha”ayuu Mujaahid Cali Guray.
Subulahanews
