Nin dibloomaasi sare ah marna Wasiir ka ahaa dawladda Itobiya oo safaro shaqo oo tiro badan ku yimid Somaliland, in badan na la kulmay Madaxda iyo siyaasiinta dalka intooda badan wuxuu sheegay in mudadii dheerayd ee uu ku soo dhex jiray siyaasada iyo diblomaasiyada (in kabadan 30 sanadood) in aanu arag ama la kulmin cid siyaasiinta Somaliland kaga liidata dhinacyada siyaasada iyo diblomaasiyada.
Marka ay ka doodayaan arimaha ku saabsaan mustaqbalka dalkooda ama kuwa caalamiga ah waxa ka muuqda caadifad badan iyo bisayl la’aan, run ahaantii waxaad dareemaysaa in aanay waxba kaga duwanayn dadka caadiga ee suuqa jooga.
Diblomaasi kale isaga oo taageeraya xanta siyaasiinta Somaliland wuxuu yidhi: waxay shirarka ka soo qayb galaan ama yimaadaan iyaga oo aan soo diyaarsan ama aan diraasad ku soo samayn mawduuc yada ama qadiyada laga wada hadlayo.
Qiimaynta wasiirka iyo kuwa kaleba ee siyaasiinta Somaliland waxa markhaati ugu filan hab-dhanqanka madaxda dawlada iyo kuwa mucaaridka iyo hadalada aan xikmada aan lahayn ee laysku waydaarsado munaasabadaha iyo warbaahinta oo runtii aan u qalmin rag sheeganaya in ay yihiin hormoodkii ummada, dadweynahana ma qabato raalina kama aha markasta in ay arkaan ama maqlaan madaxdii ay sugayeen oo isku haysta arimo yar yar oo aanay sankaaro ka biirsan ama maslaxado u gaar ah iyaga oo ka hormarinaaya danta guud ee ummada .
Waa xalaal in doorashada lagu tartamo, waa la ogol yahay in lagu loolamo awooda dalka, siyaasiintuna way kala aragti duwanaan karaan laakiin kuma kala aragti duwanaan karaan mabaadiida aasaasiga ah iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.
Madaweynihii 3-aad ee Maraykanka Thomas Jefferson wuxuu yidhi (every difference of opinion is not a difference of principle). Bal aynu eegno tusaalahan kale iyo aragtida professor Axmed Siciid Samatar ee siyaasiinta Somaliland mar ay BBC-du ka waraysatay qadiyada madax banaanida Somaliland ( 12 sanadood ka hor) wuxuu sheegay in dadka reer Somaliland yihiin dad aad u fiican laakiin siyaasiintoodu ay yihiin kuwo sida qiiqa iskugu meeraysta oo aan geesna u wadi karin. Hadaba marka la fiiriyo heerka iyo halka ay taagan tahay Somaliland 21 sanadood ka dib miyaan la odhan Karin waxa gabay ragii siyaasada dalka hagayey.
Tusaale gaaban: Wasaarada Arimaha Dibeda oo xilsaran ictiraaf raadinta JSL waxay noqotay haya’ad ama ruwaayad hal qof metalayo. Wasiirku ma laha ama kaxaysto rag gacan yare u ah oo ka caawiya ajendeyaasha kala duwan ee lagaga hadlaayo shirarka, wasaaradu ma laha “Research Department” soo ururiya una soo habeeya macluumaadka iyo xogaha uu u baahan yahay in uu la tego shirarka.
Ujeedadu ma ha Somaliland wax horumar ah may samayn balse wax ka badan ayaa la qaban karayey. Madaxweynihii hore ee maraykanka John F. Kennedy isaga oo saluugaya horumarka dalkiisa wuxu yidhi (I do not think we are doing enough, America is a great country, but it could be a greater country).
Si kastaba ha ahaate gaabiska iyo hubaal la’aanta masiirka Somaliland waxa masuul ka ah ama la hadhay siyaasiinta derejada labaad (Second-rate politicians) oo aan lahayn aragti fog oo siyaasadeed iyo kartidii dalka lagu hagi lahaa.
Hadaba waa kuwee siyaasiinta la sheegaya?
waa madaxda dawlada, kuwa xisbiyada mucaaridka ah, xubnaha golayaasha xeer dejinta iyo wax garadka & hormoodka bulshada oo iyaguna door iyo saamayn ku leh geedi socodka siyaasada dalka.
Cabdiraxman cadami
Hargeisa-Somaliland
