Weedhu ( Siyaasada ) Waxay u Tahay Buddhig ay Ka Helaan Tamar ay Isugu Gudbiyaan Dhamaan Aragtidooda Kala Duwan, Waana Mid Waano ugu Filan Qoloftaan Adag ee Birmagayddada ah’ Dunidoo Idilna ay Haa’kah Wada Joogto’
Waamaxay Siyaasada Awdal State!!
1) Siyaasada Awdal State Waa Haykal Dhagax-dixeed ah Oo Inoo Tilmaamaya Waxaynu Ahayn & Waxaanu Isu Ahayn Ka Hor Intuusan Caqli-Guur, Han-Guur & Tusmo-Guurku Inagu Dhicin!!
2) Siyaasada Awdal State Waa Mid Ka Saafan Lagana Hufay Waxa Loogu Yeedho Mala-awaalka ( Fiction ) Waana Mid Laga Dareemayo Inay Jaal La’tahay Xaqiiqda!!
3) Siyaasada Awdal State Hanaankeeda Guud Waa Mid Laga Halaacsanayo Hab Guun ah iyo Kasmo uu Badhaadhaheedu Cadyahay!!
4) Siyaasada Awdal State Raad-raac & Tix-raacba Waxaa Iidaan ( Koosaar ) u ah Cadaalada, Sinaanta & Garsoor Ku Qotoma Diinteena Islaamka!!
5) Siyaasada Awdal State Waa Tusmooyin Qadiimi ah’ Inoonna Tilmaamaya Wadiiqooyin Dihanaa oo aynu Dharaar Cad Ka Wada Ambanay!!
6) Siyaasadda Awdal State Waa Miday Majaraha u Hayaan Rag Wada Abqari ah’ Buuni Wada Mushiikh ah’ Baxdow Wada Deeqsi ah’ Birjeex Wada Geesiyaal ah iyo Baane Wada Gabayaa ah!!
Hadaba Xaqa La’ma Arjumee Weydiimaheena Foojigan Waxay Na’leeyihiin Maxaa Helay Seddax Qolo oo Kala Ah- ‘Qoraal-Keen, ‘Qorshe-Keen iyo ‘Qarash-keen,
- Qoraal Keen: Bulshadda Ku Dhaqan ama Ka Soo Jeeda Deegaanadda Awdal State Waxaa Lagu Tilmaamaa Inay Yihiin Dad Qalin-maal ah’ Tusaale Hadii Aad Gaban ( Inan Yar ) Tahay ood Joogto Dhulweynaha Qoomiyadda Gadabuursi Waxaa ay Dadku Filaan Waa Inaad Tahay Arday’ Booskii Gaashaanka, Waranka iyo Ablaydii Waxaa Badelay Buug, Qalin iyo Tamaashiir’ Waxaana arintaan Dadaal Dheer u Galay Geesiyaal Inaga Midda Sidii Looga Bixilahaa Jahliga & Dibu Socodka iyo Waliba Keeb-la’yuurarka Sida Dagaalada, Dhiig-baxa, Naafada iwm, Dadkii Sidaa Wax Loo Baray Ayaad Arkaysaa Inay Hagar Weyn Ka Muuqato Waa Bah-Qalin-Maale.
- Qorshe Keen: Qorshe Kolkaad Maqasho Kolay Waxbaa La Quud-daraynayaa Howlo Badan ayaa u Bilan in Lakala Guro Lana Kala Saafo Si ay Howl-karnimo Ku Dheehan Tahay’ Amuuraha Adag ee Beer u Wehel Yeelka Ayaan Looga Maarmin Bili iyo Buruud Xoojin’ Docda Kale Waxaa Marqaati Ma’doonta ah In Howlgaladii Guulaystay ee Loogu Birmaday Xukuumaddihii Kala Dambeeyay ee Jamhuuriyadii Somalia ay Hormuud ka ahaayeen Geesiyaal Ka Soo Jeeda Bulshada Reer Awdal State’ Balse Bah-Qorshe-Keen Beegsi Wareem & Hagar un Baa Laga Hayaa Iyagana,
- Qarash Keen: Lacagta Sida Lawada Ogsoonyahay Waa Furaha Nolasha’ Ninkii Heesay Wuxuu Yidhi ‘’ Lacageey Raga Kala Labeeyaay Liitaha Gargaaraay Raga Hoos u Celiyaay’’ Mar Waa Dhididka Dadkoo La’soocay’ Marna Waa Biro La Dhalaallshay’ Marna Waa Tuug Habayn Madoow Dhukusaya’ Qodobkaan Ku Dheeraan Maayo Waayo Bulshada Reer Awdal State Waa Ummad Wanaagsan Balse Waxaan Loo Laylinin Hanaanka Isku Tiirsanaanta iyo Qaabka Loo Abuuro Dhaqaalaha Lagu Unkamay Isu Gaynta Shilimaadka oo ay Is Aaminid Ku Dheehan Tahay,
Ma Sugnaa Ilaa Waagu Daalacayo!!
Dhugta iyo Miidaanta ay Madaxddeena u Leeyihiin Howlaha Baaxada Weyn ee Horyaalka Maamulka Awdal State ayaa ah Mid Goor-waliba ku Dirqinaya Maara u Helida Arrimaha ku Sargo’an Siyaasaddeenaan ay Sanbabbadu Daloolaan’ Dhiraan-dhirin & Dhur Sugid Badan Durbaba Waxaanu Aragnaa Dheefsasho ay Taxaliili Dhex Ceegaagto,
Bilo iyo Toddobaadyo Haanu Dhowrno!!
Waxaa Ga’doodi Jooga Maanta Hogaamiyaal Ruuxi ah una Jara-baxsan Siyaasaddaha Lagu Dabaalo Duni u Malmalaysa Siday u Noqon Lahayd Tuulo Agabkeedu u Dhan Yahay’ Su’aashuna Waxay Tahay Sidaynu Ibahan Dararaya Haleel ugu Maalnaa ( Aqoontooda ) Inagoo Meesha ka Saarayna Siyaasadahan Sumaysan ee Sabaalaha u Badan,
Turaanturooyinka Taagan Yaan Deri Loo’yeelan!!
Toban Wajiilayaasha Midabadda Badan Wadeeco iyo Warsanba Ha’loo Diido Turxaana Ha’loogu Daro’ Xeelado Dihan oo ay Ku Maareeyaan Filan-waaga Inawada Harqiyay ayay Madaxdeena Inoogu Tala Galeen’ kolkaa Duco ayay Inaga Mudan Yihiin iyo Inaan Dirir Ka Dhawrnaa,
Lasoco Qaybaha Xiga,,,,,
W: Q: Suxufi Abroone
Afhayeenka Awdal State
United Kingdom
Allaa Mahad Leh
