London(Subulahanews)-Professor Axmed Ismacil Samater oo ah aqoonyahan caana oo dhamaan umada Soomaliyeed ay Ka dharagsan yihiin magaciisa iyo muuqiisa ayaa isku soo sharaxay inuu noqdo doorasha soo socota madaxweynaha dalka Soomaaliya taasi oo ay u soo doorteen Xisbiga uu matalayo ee Hiilqaran.
Hiilqaran horta waa maxay? Hiilqaran waa xisbi ay ku midoobeen dhamaan aqoonyahanka soomaaliyeed ee qurbaha iyo dalkiiba ku sugan si ay uga badbaadiyaan masiibada ku habsatay iyo dawlad la’aanta qabsatay muddo ka badan 21 sano.
Xisbigan Hiilqaran waxaa la sameeyay bishii labaad ee sanadkii hore oo lagaga dhawaaqay dalka maraykanka. Xisbigu markii u sameeyay daraasaad dheer waxay isku raaceen in siyaasiga kaliya ee ka sari kara soomaaliya waxan ku habsaday inuu yahay Professor Axmed Ismacil Samater.
Hadaba wa’ayo Axmed Ismacils Samater?
Professor Axmed Samater waa aqoonyahan had iyo jeeraale ka hadla dhibaatada Soomaaliya isagoo dadka tusa halkay ka qudhunsan tahay Dalalka reer galbeedkuna had iyo jeer ay wax ka waydiiyaan arrimaha Soomaaliya.
Professor Samater waxa marar badan shirar kala duwan ku qabtay meelo badan oo aduunka ka mida shirkiisii u danbeeyay ee xisbiga Hiilqaran wuxuu ku qabtay magaalada minnesota eedalkaasi maraykanka.
Professor Samater wuxuu goordhaw khudbad ku saabsan xisbigiisa iyo qorshahiisa musharax ahaan ee dalka Soomaaliya uu u jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada oo u badan shacab soomaalinimo iyo wadaninimojecel oo ay qaarkood la baxeen qarandoon.
Hadaba xafladaa iyo sida ay u dhacdo kala soco Subulahanews.
Subulahanews.
