London(Subulahanews)-Gudida doorashooyinka ee dalkaasi Masar ayaa iclaamiyay inay soo saari doonaan maalinta bari ah natiijada doorashadii ka dhacday dalka.
Natiijadan oo dib u dhacday iyadoo la sugaayay inay soo baxdo maalintii khamiistii ee ina dhaaftay ayaa labada musharax ee ku tartamaya jagada madaxweynanimada dalkaasi Masar ay labadu sheegteen inay guulaysteen hase yeeshee waxaa la sheegayaa inay isku raacsan yihiin inay sameeyaan dawlad iskujir (unity governments) ah oo ka kooban labada dhinac.
Taageerayaasha xisbiga walaalaha Islaamka ah ayaa iyagu ku jira mudaharaad badhtamaha magaalada Qaahira iyagoo codsanaya inlagu dhawaaqo natiijada doorashada.
Wariyaha u fadhiya Subulahanews magaalada Qaahira Mr jamac nuur xasan ayaa wuxuu sheegayaa in ay wadanka ka muuqato qas aad u wayn isla markaasna ku dhawaaqista natiijada doorashadu ay keeni karto cabsi iyo in dhibaato dhacdo.
Faruk Sultan oo ah gudoomiyaha gudida doorashooyinka ayaa sheegay doorashadii dhacday sabtidii iyo axadii hore ee ina soo dhaafay oo ay ahayd in natiijadeeda la sheego maalintii khamiistii ee ina soo dhaaftay inla shaacin doono maalinta bari ah saacada dalka masar markay tahay 3:00pm sadexda galabnimo oo ku beegan (1:00 gmt) sidaas wuxuu ku qoray bayaan uu soo saaray.
Hadaba doorashada iyo cida ku gacan saraysa kala soco Subulahanews.
Subulahanews.
