London(Subulahanews)-Ciyaar ay galabta wada ciyaareen wadamada England iyo Italy ayaa ahayd ciyaar aad u xiiso badan ciyaartaas oo sagaashankii daqiiqo ee loogu talo galay ay isku mari waayay labada kooxood waxaa lagu daray sodon daqiiqo oo saa’ida(Extra Time).
Ciyaartan oo ay ku gacansareeyeen kooxda dalka Italy
ayaa qaaday weerar badan oo ay ku hayeen goolka dalkaasi England. Kooxda dalka England ayaa iyagu ku jiray difaac adag ciyaartiina waxay ku dhamaatay 0:0
waxaana loo dhigay rigoore(penalty). waxay ku kala badiyeen 4:2 ay ku badiyeen dalkaasi talyaaniga.
Kala soco Subulahanews.
