RSL/VP/NDC/04-00203/0612                                                                        23/06/2012

 

Ku: dhamaan Hayaddaha Dowladda

Ku: dhamaan Hayaddaha Qaramada Midoobay

Ku: dhamaan Haayaddaha safalka ee caalamiga ah iyo kuwa Wadaniga

Ku: Dadweynaha JSL

 

 

Ujeeddo:  Baaq Gurmadka Abaaraha

 

Sidii la odorosay sanadkan horaantiisii roobkii gu’ga da’ay wuu ka yaraa guud ahaan intii la heli jiray xiliga guga. wuxuu ahaa teel teel aan sinayn, meelo si wanaagsanbuu uga da’ay meelo wuu ku yaraa meelana maba helin, meelaha ugu daran ee roobku seegay waxa ka mid  jiida xeebaha  gobolada Awdal, Salal, Saaxil iyo Sanaag oo seddex sano oo isku xiga roob ka di’in.

Warbixinaha naga soo gaadhaya Maamulada deegaanadaasi, dadweynaha, hayaddaha samafalka  iyo wasaaraduhuba waxay tilmaamayaan in deegaanadaasi ku suganyanyihiin xaalad aad u adag oo ay ka taagantahay abaar ba’an, xaaluf, biyo la,aan, iyo cunto yari.

 

Waxa la xaqiijinayaa inay xoolihii badankoodu baxeen, dadka nafaqo daro iyo macaluuuli hayso, in badana barakacday oo ay ku soo urureen tuulooyinka deegaanadaasi sida, Garbo dadar, Gargaara, Waraqa dhigta, Calixaydh , Ceel la helay,  Fadhi xun, Ceelgaal, Fiqi aadan, Geerisa, Bulaxaar, xagal, Berbera, Beeyo dhaadheer, Raarida buur, Laasdhuure iyo  tuulooyinka Huluul xaga xeebta ka xiga

Dadka ay abaartu saamaysay waxa lagu qiyaasay inay gaadhayaan ilaa 20,000 (labaatan kun) oo qoys, Dadkaasi waxay u baahanyihiin gurmad degdeg ah oo iskugu jira cunto, biyo, daawo iyo hoyba, haddii aan si degdeg ah loogu gurmana waxa jirta cabsi  in badani gaar ahaan dadka jilicsan, sida caruurta iyo waayeelku u dhintaan  gaajo iyo haraad.

Sidaa darteed waxaan ugu baaqaynayaa, Haayadaha Qaramada midoobay, Haayadaha samafalka ee caalamiga ah, Haayadaha wadaniga ah iyo dhamaan shacabka reer somalilandba inay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka ku tabaalaysan deegaanada ay abaarta iyo biyo la’aantu saameeyeen.

 

 

 

Allaa Mahad Leh

 

Axmad Maxamed Maxamuud(silaanyo)

Madaxweynaha JSL

 

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook