Xaflad si heer sare ah loo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Badhasaab ku xigeenka gobolka Awdal ahna Kusimaha Badhasaabka Gobolka, Xoghayaha Guud ee Dawlada Hoose ee Borama, Taliyaha Qaybta Gobolka Awdal, Salaadiin, Cuqaal, Aqoonyahano, Culimaa’udiin iyo Dhamaan bulshada noocyadeeda kala duwan ayaa xadhiga lagaga jaray Laba Hool oo ku kala yaala Deegaanka Cunaqabad iyo Gobyaray oo ka tirsan Deeganka Casho Cado.

Hoolalkan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey ee noocooda oo kale ah oo lagu dhiso deegaankan, hadaba madashaasi ayaa waxa ka hadlay dhamaan masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo iyagoo dhamantoodba bogaadiyey waxqabadka ay beesha Faarax yoonis ku talaabsatay oo ah mid mihiima waxtarna leh.

Mihimada ay beesha Faarax Yoonis u dhistay Hoolalkan manta xadhiga laga jarayay ayaa ah inay ka faa’iidaystaan beeshu, dawlada somalilandna ka faa’iidaysato.

Si kastaba ha ahaatee munaasibadan ayaa ahayd mid ku dhamaatay farxad iyo raynrayn, iyada oo odayada beeshu balanqaadeen inay dhismayaal iyo mashaariico kalena soo wadaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xuquuqda Sawirada waxa leh:

Blue Sky Digital Video Production

Borama, Somaliland

 

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook