Hargeysa(Subulahanews)-Oday, Ganacsade Muuse Xirsi Abokor( Muuse Dalab) ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku daadifeeyay Guddi Dhaqaale oo uu Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin ku soo daray, waxaanu sheegay in uu Xisbiga uga tagay khilaafka dhex yaala ee uu xalin kari waayay.
Waxaanu qoraalka Oday Muuse u dhignaa sidan:-
Ujeedo: Cadayn
Aniga oo ah Muuse Xirsi Abokor, waxaan caddaynayaa inaanan ka mid ahayn guddida Dhaqaalaha ee Xisbiga UDUB, kaas oo lagu faafiyay warbaahinta Somaliland.
Waxaan ka baxay Xisbiga UDUB markii dhexdiisa khilaafku ka bilaabmay layskuna Dacweeyay, waxaanan ka xumahay cid aan waxba la weydiin in warbaahinta lagu soo saaro. Wakhtigan xaadirka ahna ma ahi Xisbi.
Waxaanan mar labaad cadaynayaa inaanan ka mid ahayn Xisbiga UDUB, xubin ahaan iyo guddi toona, mana doonayo inaad iigu yeedhaan Xisbi aad disheen oo aad xalin kari weydeen wixii dhexdiisa yaalay
Allaa Mahad Leh.
Muuse Xirsi Abokor.
Waa qofkii koowaad ee ka biyo diida Gudiyada uu Daahir Rayaale laba ka mid ah magacaabay halka uu qoraal uu shalay soo saaray ku caddeeyay inuu Guddiyo kale magacaabayo, waxaannu Muuse ka mid ahaa Tiirarka Xisbigaasi, hase yeeshee waxa uu imika u muuqdaa inuu ka rajo beelay inay soo noqoto Sumcaddii Xisbigu lahaa.
Subulahanews.
