London(Subulahanews)-Koox kor u dhaaftay 30 sarkaal oo Suuriya u dhashay ayaa baxsaday oo u galay Turkiga.
Saraakiil sare ayaa ka mid ah.
Wakaaladda wararka ee Turkiga, Anatolia, waxay sheegtay in saraakiisha ka soo baxsatay Madaxweyne Assad, ay ka mid yihiin General, laba Gaashaanle Sare iyo xaasaskooda.
Weriyaha BBC ee Istanbul wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin tiradii saraakiil ugu badneyd ee mar kaliya u tallaaba dhinaca Turkiga tan iyo markii rabshaduhu ay ka billowdeen Syria.
Xiisad ayaa ka dhex taagneyd labada dal tan iyo Jimcihii markii Suuriya ay soo ridday dayaarad militeri oo Turkigu leeyahay.
Duuliye ciidanka cirka ee Suuriya ayaa toddobaadkii hore u baxsaday Urdun oo dayaaraddiisii halkaas ka dejiyay.
Subulahanews
