War-saxaafadeed

Madaxweynaha JamhuuriyadaSomaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu maanta kuqaabiley Qasriga uu degan yahay ee MINA-SALAAMA HOTEL, Hogaamiyaha Kooxdii SSC,Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye).

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha SSC waxay ka wadahadleen sidii deegaanada Buuhoodle iyo qaybo ka mida Sool loogu soo dabaali-lahaanabad-gelyo buuxda oo taam ah.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyuhuwaxay istu-seen isla markaana kuwadaQanceen baahida ay shacbiga deegaanadaasi u qabaan in ay walaalahooda dalka eekale la wadaagaan horumarka dhanwalba leh ee wax-barashada, Caafimaadka,Nabad-gelyada iyo Adeeg-yada kale ee ay noloshu u baahan tahay oo dhan, sidabiyaha Iwm.

Ugu danbayn waxa uuMadaxweynuhu balan qaaday inuu dhiniciisa soo dhawaynayo dedaalka lagu sooAf-jarayo khilaafka jira oo dhan, wuxuuna hogaamiyaha SSC-da kula dar-daarmayinuu si dhakhso ah uga hawl-galo.

Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye)na waxa uu balan qaaday inuu ka hawl-gelayo sidiikhilaafka loo soo Af-jari lahaa, waxaanu sheegay inay reer soomaaliland yihiindad wada dhashay oo aan sinaba u kala maarmaynin, Dantuna ay ku jirto wax-wadaqabsiga iyo wada jirka.

 

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenkaMadaxtooyada JSL.

DUBAI)

 

ALLAA MAHAD LEH

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook