Hargaysa(Subulahanews)Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa Tafaasiil ka bixiyey ujeedada kulankii shalay Magaalada Dubia ee Dalka Imaaraadka Carabta ku dhexmaray Madaxwaynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Axmed Siilaanyo iyo Sh. Shariif, kaas oo tilmaamay inay labadaas Masuuli ogolaadeen oo ay meelmariyeen 8-dii Qodob ee ka soo baxay Shirkii London todobaadkii hore ka dhacay.

Dr. Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab Wargayska Haatuf khadka Tilifoonka ugu waramayey isaga oo ku sugan Magaalada Dubai, kaas oo sidoo kale jawaab kulul ka bixiyey hadalkii shalay ka soo yeedhay Madaxwaynaha TFG-da Sh. Shariif, isla markaana tibaaxay inaanu waxba u dhimi Karin horumarka iyo Rabitaanka shacbiga Somaliland. Ugu horayna Wasiirku isaga oo arimahaas  ka hadlaya, waxa uu yidhi “Waxa maanta Magaalada Dubai ka dhacay Shir balaadhan oo dhexmaray Madaxwaynayaasha Somaliland iyo TFG-da, Shirkaasna waxa marti galisay dawladda Imaaraadka Carabta, waxaana qabanqaabiyey Masuuliyiinta Arrimaha dibada ee Imaaraadka Carabta, waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiin Caalamiya, Diblomasiyiin Carbeed, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia iyo Wufuud ka kala socotay Somaliland iyo Soomaaliya oo labada Madaxwayne kala hogaaminayaa”.

Dr. Maxamed C/laahi isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Shirkan Ujeedadiisu waxa uu ahaa inay Labada Madaxwayne  saxeexaan Qodobadii la isla gartay ee ka soo baxay shirkii todobaadkii hore London  ka dhacay, qodobadaas oo ay isla soo saareen guddiyadii ay Labada Madaxwayne hore u soo magacaabeen, waxaanay arintani cadaynaysaa inay labada Madaxwayne-ba aqlbaleen qodobadaas iyo in Somaliland iyo Soomaaliya ay wada-hadlaan, waxyaabaha lagu heshiiyey ee shirarkii dhacay la isla meel dhigayna waxa ka mid ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo Jaar ah, isla markaana ay arimahooda si laba dhinac ah uga wada-hadlaan. Markaa guddi ahaan waxa labadii dhinac loo ogolaaday inay hada wixii ka danbeeya ka wada hadlaan Xidhiidhka Mustaqbalka ka dhaxayno doona labada Dawladood haday iska kaashan lahaayeen xaga dhaqaalaha iyo xaga Siyaasadaba”.

Isaga oo  hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Heshiiskani waxa uu cadaynayaa oo uu Damaanad qaadayaa in Somaliland ay heshiiskan la galayso Dawaladda TFG-da iyo xukuumadii badashaba, waxaananu doonaynaa in dawladda TFG-da ka danbaysaana ay arintaas ogolaato oo ay ixtiraanto”.

Wasiirka Khaarajiga Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar wax laga waydiiyey waxa uu ku fasiri karo hadalkii ka soo yeedhay Sh. Shariif, waxa uu yidhi “Hadalka Sheekh Shariif iyo Rabitaankiisu Waxba ma yeeli karaan Wada-hadalada iyo Danta Shacbiga Somaliland, waxaana rabitaanka Somaliland shirkaa dhexdiisa ka cadeeyey Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Sh. Shariif hortiisa ka cadeeyey in Madaxbanaanida Somaliland ay Muqadas tahay oo ay Lama Taabtaan Tahay, waxaanu Madaxwaynuhu tilmaamay inaynu diyaar u nahay arimaha Iskaashiga dhinacyarad Horumarka sida Amniga, Siyaasada, Waxbarashada, Caafimaadka iyo waxkasta oo Somaliland dani ugu jirto-ba”.

source Haatuf newspaper

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook