Muqdisho(Subulahanews)Qabanqaabada iyo diyaargarowga loogu jiro xuska munaasabadda weyn ee 1-da July oo ah markii ay xoroobeen gobollada Konfureed iyo israaci labada gobol ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho.

Munaasabadda 1-da July oo ah mid aad ugu weyn quluubta ummadda Soomaaliyeed ayaa ah markii ay xoroobeen gobollada konfureed maalmo kadib markii ay xorriyaddooda heleen gobollada waqooyi 26-june kadibna ay 1-da Lulyo isku biireen halkaana ay ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Iyadoo munaasabaddaasi ay tahay mid aan xuskeeda loo kala haridoonin dowladda iyo shacabba ayaa haddana gudaha dalka iyo meelo badan oo caalamka ka mid ah waxaa ka socda qabanqaabada xuska munaasabaddaasi oo ah mid aad ugu weyn ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba.

Muqdisho isla xalay ayaaba laga dareemayay diyaargarowga xuska munaasabaddaasi oo waddooyinka waayen ayaa lagu xiray nalal midabo kala duwan leh oo kala jaad jaada ah, Calankeenna Buluugga ahna meel kasta wuu ka babanaya iyadoo markaad sare u eegto uu isbedelayo dareenkaaga qiiro waddaniyadeed iyo galiilyo badan ayaa gibilkaaga saaqeysa, waayo waxaa si macnawi ah kuugu muuqanaya halgankii dheeraa ee loo soo galay gobanimada iyo Calankeenna qiimaha badan oo halyeeyo badan oo Soomaaliyeed ay naftoodii qaaliga aheyd u waayeen.

Dhanka kale Muqdisho sanadkan si ka duwan sanadihii la soo dhaafay ayaa looga xusayaa maalinta xorriyadda marka loo eego sanadihii dhawaa oo malleeshiyaadka shabaab ay xabbadda la dhextaagnaayeen Muqdisho isla markaana ay Calanka Jamhuuriyadda waddooyinka ku gubayeen, Muqdishase hadda wey ka baxday aashuun ku addinkii oo waalaga xoreeyay gafanayaashii jaqayay dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaa taas ka sii daran dareenka iyo xamaasadda wadaninimo ee ka muuqda shacabka Soomaaliyeed oo aad mooddo in ay si weyn ugu baraarugeen qiimaha xoriyadda caawana ay u wada jidbeysanyihiin in ay ka wada qeybgalaan xuska 1-da Lulyo.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook