Hargaysa(Subulahanews)Guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa waxa shalay Subaxdii rasmi ah uga bilaabmay Imtixaanadii Shahaadiga ahaa ee dugsiyadda sare iyo dhexe ee dalka, Imtixaankaas oo ay ay u fadhiisteen 17, 531 arday oo iskugu ku jira dugsiyada sare iyo dhexe, isla markaana Imtixaanadaas ku kala galay 143 dugsi oo ku kala yaala gobolada iyo degmooyinka dalka.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa mar ay xalay Waraysi Khaas ah khadka Tilifoonka Ku Siisay Wargeyska Haatuf sheegtay in guud ahaan dalka oo dhan ay Imtixaanadii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare iyo dhexe ay si rasmi ah uga furmeen, isla markaana ay Imtixaanadaas ay u fadhiisteen 17,531.

Wasiir Samsam waxay Ardayda Imtixaanka u fadhiistay u rajaysay inay dhamaantood ku guulaystaan Imtixaanada ay galeen, waxaanay uga digtay inay ku kacaan falal ka dhan ah Anshaxa Imtixaanada, taas oo ay sheegtay inay dhaawacayso Aqoonta Ardaydu kasban lahaayeen oo ay ku hogaaminayaan Falalkaasi dariiqa dib u dhaca.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay ka hadashay Jaamacadaha dalka ku soo badanaya oo ay tilmaantay in la joojiyey Ruqsadihii lagu siin jiray Bulshadu inay furtaan Jaamacada ay gaar u leeyihiin, isla markaana tibaaxday in Jaamacadihii hore u jiray dib u eegis lagu samayn doono tayadooda. Ugu horayna Marwo Samsam iyada oo ka hadlaysa Imtixaanka shalay u furmay Ardayda reer Somaliland, waxa ay tidhi “Dhamaan Ardayda reer Somaliland ee dugsiyada sare iyo dhexe waxay maanta si rasmi ah ugu wada furmay Imtixaanadoodii, Ardayda reer Somaliland ee Imtixaanada u fadhiistay oo dhan 17,531 arday waxaan u rajaynayaa dhamaantood inay guulaystaan, waxaanan kula talin lahaa inay iska ilaaliyaan wixii dhibaato u keeni karta Waxbarasahadooda sida Qiska oo kale, sababta oo ah ardayda wax Qishaa waa wax ka go’an oo Mustaqbalka ka daba iman doonta”.

Wasiir Samsam iyada oo hadalkeeda sii wadata, waxa ay tidhi “Waxaan ogahay oo aan qabaa in sanadkan ay Ardaydu Kalsooni badan qabaan oo ay aad u wada dadaaleen, markaa waxaan u rajaynayaa inay guulaystaan dhamaantoo oo ay goostaan midhihii dadaalkooda oo ay u wada gudbaan Jaamacadaha iyo dugsiyada sare.

Dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan Imtixaabada Shahaadiga ah waa looga fadhiistay, haday Sool iyo Sanaag bari oo ugu fog-fog tahay xataa ardaydu way u fadhiisteen Imtixaanadii. Waxa sanadkan dhacay meelaha qaar in 2 arday ama 3 arday ay Imtixaanada u fadhiistaan, waxaana meelaha qaar aanu samaynay ardayga meesha ugu dhaw la keeno si uu ardaydaas kale ee ay isku galaaska yihiin ay u wada galaan Imtixaanka”.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan mar ay ka hadlaysa heerka Waxbarashada dalku marayso, waxa ay tidhi “Waxbarashada dalku inay in badan sare u kacday oo dadaal badani jiro waxa kuu cadaynaya 4 kun oo Macalin ayaa sanadkan loo qoray ardayda, waxaanay ujeedada dawladdu ka leedahay tahay in la tayeeyo Waxbarashada ardayda, isla markaana waxay taasi keentay in arday waliba uu helo Xiisadihii uu u baahnaa oo taasina waxay keentay in maanta si bilaa buuq ah u bilaabmaan Imtixaanadii. Waxa kale oo jira Cilmi baadhis iyo daraasado badan oo lagu samaynayo dhawrkii biloodba mar heerka Waxbarashada ardayda reer Somaliland oo aan aad ugu niyad samahay halka ay maanta marayso oo ah meel lagu hirto oo lagu farxo”.

Marwo Samsam mar wax laga waydiiyey waxa ay ka yeelayaan Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee sida fudud loo furto, waxa ay ku jawaabtay “Arinta Jaamacada dalka ku soo badanaya waanagii maalintii dhawayd ka hadalnay, mida kale ma jirto anagu mudadii aanu joognay wali may dhicin inaanu Ruqsad siino cid furanaysa Jaamacad, dhamaan Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee dalka ka jiraana waa kuwii hore dawladii hore Liisanada siisay. Laga bilaabo hadalkii maalintii dhawayd ay ku dhawaaqeen Komishanka Tacliintu cid loo ogolaanayo inay Jaamacad furato ma jirto, Jaamacadihii hore u jirayna waxa la eegayaa Tayadooda oo hawshaasi waa mid noo socotaa, markaa cid Ruqsad la iska siiyaa dib u dhici mayso ilaa Komishanka u ogolaadaan oo shuruudo adag ayaa lagu kaantarooli doonaa arimahaas oo dhan Insha Allaah Mustaqbalka. Waxaana jira Jaamacado Caalami ah oo dibadaha ka jira oo kuweena ka badan oo doonaya inay dalka ka furtaan Jaamacado, markaa marka shuruucda loo dhameeyo ayuunbaynu ka hadli doonaa arimahaas”.

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook