Nairobi(Subulahanews)Magaaladda Nairobi gaar ahaan Xaafadda islii ayaa xalay waxaa ka dhacay Munaasabad balaaran oo loogu dabaal dagayay xuska sanad guuradii 52-aad ee kasoo wareegatay maalinta xoriyadda Soomaaliya ee 1-da Luulyo.
Munaasabadan ka dhacday Xaafadda Islii ayaa waxaa ka qeyb galay shacabkii ugu badnaa iyadoo dadka goobta gaaray ay ka badnaayeen ilaa 4 kun.
Dadkii ka qeyb galayay munaasabadda ayaa hamigooda uu ahaa in ay arkaan Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaalia DrMaxamed C/lahi Maxamed Farmaajo.
Laakiin shacabkii ayaa ku guul daraystay in ay arkaan Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo kadib markii xili danbe loo sheegay in uu ubaaqday sababo amaan iyo arimo kale oo la xariira howlihiisii uu ujoogay magaaladda Nairobi.
Dad ku dhow dhow qaban qaabiyaasha Munaasabada ka dhacday Xaafadda Islii ayaa inoo sheegay in Dr Farmaajo uu doonayay in uu ka qeyb galo munaasabadda laakiin waqtiga oo yaaraday iyo shaqo uu hayay ay keentay in uu baaqday.
Shacabkii naxanta utaagnaa araga Farmaajo ayaa markii calanka la saaray ka dareeray goobta iyadoo la arkayay dad badan oo baadi goob ugu jira caruur kaga dhuntay halkii ay Munaasabada ka dhacday.
Fanaaniinta Soomaaliyeed gaaar ahaan kuwa Wayaha Cusub iyo Kooxda Qeylo dhaan ayaa kusugnaa Munaasabada iyagoo qaadayay Heeso isugu jira wadani iyo heeso kale.
Waxaa ay ahayd munaasabadii ugu balaarneyd ee ebid ka dhacda xaafada Islii laguna xuso maalinta xoriyadda Soomaaliya ee 1-da Luulyo

















