Garoowe(Subulahanews)-Koox Dablay ah ayaa xalay Garoowe ku dishay Abaanduulihii ciidamadda Puntland Nadalo X Saalax Gadhweyne oo ay walaaalo ahaayeen Garaad Abshir X Saalax Gadhweyne oo u banbaxay Nacaybka Somaliland.

Marxuumka la toogtay waxa isla shalay uun laga qaaday Xilka Abaanduulanimo iyadoo isla xalayna la khaarajiyay, waxaana loo Aanaynayaa Dilkiisa khilaaf ka dhex taagan Maamulkaasi iyo Beelaha taabacsan oo xiligan u muuqda kuwo guul-daraystay marka la eego hanaanka Siyaasadeed ee ay Somaliya waajahday.

Ilaa hada ma jirto cid loo qabtay Dilkiisa sida ay Wararku nagu soo gaadhayaan waxaanay talaabadani muujinaysaa mid lagu ugaadhsanayo saraakiisha Reer Sool ee u dibad baxdawday Puntland.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook